Qisada jacayl ee ninkii darbi jiifka ahaa iyo garoobtii taajirad ahayd ee mahadisay la joogiisa

Nin darbi-jiif ah ayaa guursaday haweeneey taajirad ah, ma sheeko jacayl oo dhab ah baa, mise wax qarsoon baa jira?
Carolyn Holland, waxay ahayd haweenay garoob ah oo taajirad ah, waxay jirtaa 80 sano, waxay ku nooleyd xeebta Cayucos ee California, waana mesha ay kula kulantay David Foute oo ay Carolyn ku guulasatay inay 23 sano wada joogaan.
Waxa uu u yimid in uu shaqooyin yaryar u qabto. Dhowr toddobaad ka dib, waxay ahaayeen lamaane ku dhawaaqay jacaylkooda aan dhimanayn.
Carolyn waxa ay sheegtay in aanay filanayn in ay jacayl u qaado qof aanay garanayn ama ay xidhiidh jacayl la yeelato, iyada oo da’daas ah.
"Waxa uu i siiyay wax gaar ah, sababtoo ah qabli wanaagiisa. Wax badan ayaan wadaagnaa, waan jeclahay shakhsiyadiisa, waanan necbahay marka uu baxo." Ayey tiri Carolyn.
David waxa u uku tilmaaya Carolyn qof leh damiir nool oo naxariisi ceegagto uuna ku faraxsan tahay nolosheeda
"Waan daryeeli doonaa inta aan awoodo ilaa aanan awoodin, nimanka oo dhami way ogyihiin in Carolyn ay tahay gabadheyda, mana doodno, ma doonayo inaan ka tago iyada ayaan guriga ku haystaa , waan la joogi doonaa ilaa dhamaadka."ayuu yiri David
Gabadhihiisa David waxay u arkayeen si ka duwwan waayo waxay rumaysnaayeen inuu inuu rabay inuu been u sheego hooyadood ka dibna uga tago murugo.
Waxaan ogaaday sheekada Dave iyo Carolyn sababtoo ah waxaan ku noolahay jidkooda. Xawliga noloshu waa mid gaabis ah gudaha Cayucos, dadkuna waxay qaataan wakhti ay wada fadhiistaan oo ay wada hadlaan.
Waxaa jira meel xeeb ah oo ku dhawaad kun cagood u jirta badda, fiidkii marka iftiinku sii yaraanayo, waxaad arki kartaa quusayaal silhouette ah oo ka soo horjeeda qorrax dhaca.
Waa sawir qurux badan oo sheeko jacayl ah waxaanan rabay inaan rumaysto Dave - laakiin sida qoyska Carolyn, waxaan sidoo kale lahaa shakigayga.
Si walba oo ay ahaato gabadha ay dhashay Carolyn waxay u aragtaa arrintaan inaysan dhab ahayn, oo ninku ujeed kale leeyahay.

Gacaliyaha halka milyan ee doolar
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sheekada Carolyn iyo Dave waxaa ka sheekeynaya Sue Mitchell oo goob joog ka ahayd sida xaqiiqadaan u dhacday.
"Farqiga da’da ayaa ka shakiyay, runti taasi waxay ahayd diginin laakiin," Carolyn gabadha ay habaryarta u tahay Kim ayaa sidaas tiri. "Muxuu nin da'daas jooga u jilayaa jacayl hadii aysan ka ahayn inuu rabo meel uu dago."
Waxaan ku sugnaa meeqaam wanaagsan oo aan ku daawan karay sheekadaan oo daaha iska feydeysa. Qof kasta oo ku lug lahaa wuxuu rabay inuu ka hadlo - Gabdhaha Carolyn waxay aad u xiisaynayeen inay muujiyaan dareenkooda. Balse Dave iyo Carolyn waxay moodayeen in si khaldan loo fahmay oo ay rabeen inay sheekadooda sheegaan.
Markii ugu horeysay ee aan la kulmo Dave, aad ayaan ugu farxay isaga. Waxaa la ii sheegaay inuu ku fiican yahay dayacirka alaabaha guryaha inaga oo ku kulanay kaniisadda xaafadda oo uu xubin ka ahaa.
Dave ayaa cajab galiyay dhammaan shaqaalaha kale ee shaqada maadaama uu tumi yaqaano gitaarka.
Si kastaba ha ahaatee, markasta oo aan wax badan ka sii maqlo sheekada qoyska Carolyn waxaan sii fahmayay sababta qoyska haweeneydaan u walwalsanaayeen.
Markii Dave imaanayay guriga qoyskaan si uu wax ugu dayactiro wuxuuna ahaa hoy la'aan isaga oo ku noolaa nolol adag, isaga oo banaanka seexan jiray.
Waxa uu si sahal ah u qirtay in uu la qabatimay noocag darooga (meth crystal) taas oo markii danbe u horseeday walaac noloshiisa ku furmay markii ay boolisku xireen, kadib markii looga shakiyay inuu farsameeyay tubooyin loo adeegsaday weerar lagu qaaday Walmart.
Xidhiidhka ay Carolyn la yeeltay Dave waxa uu ka sii fogeeyay gbadheeda, laakiin waxa ay dareentay in ay xaq u leedahay in ay yeelato lammaane ay doorato.
Magaalada Cayucos, hada David ma aha guri la’aan,wuxuuna haystaa baabuur ay Carolyn ka caawisay inuu iibsado.
Markii ugu dambeysay ee aan arko, wuxuu ku jiray xaalad feker ah wuxuuna naftiisa u sheegay si isdaba joog ah u sheegayay inuu jecel yahay Carolyn.













