Dhegeyso: Maxaa looga hadlayaa shirka Muqdisho uga furmay mucaaradka?

Qoraalka Codka, Shirka ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo Jimcaha
Dhegeyso: Maxaa looga hadlayaa shirka Muqdisho uga furmay mucaaradka?

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir ay leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka horjeeda siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaar ahaan tan uu ku maaraynayo doorashooyinka soo socda ee 2026.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee uu shirku u furmay waxa kamid ah madaxweyne hore, ra'isul wasaarayaal hore iyo xildhibaanno hadda kamid ah barlamaanka Soomaaliya.

Shirka oo la filayo in la soo gabagabeeyo Jimcaha soo aaddan, ayaa la filayaa in kooxaha mucaaradka ay bayaan ka soo saaraan kuwaas oo talooyin loogu jeedinayo dawladda federaalka.

Siyaasiyiinta shirku u furmay waxa kamid ah xildhibaan Saadaq Cabdillaahi Cabdi, waxa uu u waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.