Baarlamaanka Pakistan oo qaati ka taagan jiir ay busaduhu xitaa ka baqaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhibaato ayaa heysata baarlamaanka dalka Pakistan, dhibkuna ma ahan wax ku saabsan siyaasiyiinta.
Waxaa faro ba’an ku haya jiir ama dooli kaas oo dhismaha baarlamaanka hadba dhinac ugu ordaya sida in goobta ay ka jirto cayaarta orodka "marathon-ka", waana mid la arkayo waqti kasta habeen iyo malin.
Jiirkaan oo ah nooc aad u waaweyn ayay qaati ka taaganyihiin xubnaha baarlamaanka.
Baaxadda dhibaatada ayaa soo shaac baxday kadib markii guddi ka tirsan baarlamaanka ay codsadeen in ay arkaan diiwaannada shirarka laga soo bilaabo sanadkii 2008, kadib markii baaritaan lagu sameeyay diiwaannada ayaa la ogaaday in inta badan uu si xun u cunay jiir.
"Jiirarka dhulkan jooga waa kuwo aad u waaweyn oo xataa laga yaabo in ay bisadaha ka baqaan," ayuu BBC-da u sheegay afhayeenka golaha qaranka Zafar Sultan.
Faafitaanka jiirkaan ayaa haatan saa'id ah waxa uuna sababay in miisaaniyad sanadeedka lagu kordhiyo 1.2m rupees oo u dhiganta $4,300, taas oo loo qoondeeyay in wax looga qabto hoolka baarlamaanka Pakistan si gaar ah dhanka korontada.
Dooliyaashaan oo ah kuwo aad u waaweyn ayaa u badan dhismaha gaar ahaan dabaqa koowaad, waana goob ka agdhaw halka uu daganyahay hoggaamiyaha mucaaradka ee ka tirsan golaha guurtida, waxaana dhismaha ugu yaal hool uu ku qabto shirarka sidoo kalena uu ku qaabilo martida iyo xisbiyada siyaasadda, sidoo kale waxa uu jiirkani ku badanyahay qeybaha guddiyada joogtada ah.
Dhanka kale waxaa aad looga cabanayaa hoolka cuntada halkaas oo uu faro ba’an ku hayo jiirka.
Balse inta badan jiirarku waa kuwo feejigan kuwaas oo la socda shanqaraha dadka iyo marka weerar lagu soo qaado.
"Marka aysan caadiyan dad halkan joogin fiidkii, jiirarka ayaa ku dhex orda halkaas sida in ay ka qeyb galayaan tartanka orodka maratoonka," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Golaha Qaranka.
"Shaqaalaha halkaas ka howlgala waa ay la qabsadeen hadda, balse hadii qof cusub uu yimaado xarunta marka ugu horeysa waa uu cabsanayaa."
Wargeysyada Pakistan ayaa lagu baahiyay dhibaatada jiirka uu ku hayo xarunta baarlamaanka, si loo helo shirkad ka hortagta cayayaanka si ay uga caawiyaan saraakiisha la tacaaleysa dooliyaasha.
Ilaa iyo hadda laba kanbani ayaa soo bandhigay in ay wax ka qabankaraan arinkaan.
Meelaha kale ee laga soo sheegay dhibaatada Jiirka
Magaalo lagu magacaabo Northampton, oo ku taala dalka Ingiriiska hooyo iyo caruurteeda ayaa si ku meel gaar ah uga guuray gurigoodii, kadib markii uu jiir badan ku soo laablaabtay.
Olga Ngoma ayaa u sheegtay dadka u ololeeya arimaha deegaanka iyo guryeynta in "qof caadi ah" uusan joogi karin gurigeeda muddo badanna uu ku hayay welwel joogto ah.
Dadka u ololeeya arimaha deegaanka iyo guryeynta ayaa sheegay in qoyska ay la yeesheen wadahadal ku saabsan sida ay ugu guurayaan guri kale.
Haweeneydaan ayaa guriga ku nooleyd muddo 11-sano ah iyadoona horay aysan u sheegin wax dhib ah.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ilaaliyeyaasha cayayaanka ayaa dhowr jeer booqday guriga laakiin waxay sheegtay inay ahayd "xal ku meel gaar ah u heleen" iyadoo dooligu soo laabtay maalmo ka dib.
Dooliyaasha ayaa jarjara xarkaha korontada ku shaqeeya iyo qalabka jikada iyo alaabaha kale ee guriga yaala.
Guriga ayaa noqday mid aad u uraya iyadoona gabadha yarta ah ay ku dhibaatootay in ay seexato, waxaana dhanka kale jiray shanqar uu sameynayay jiirka ku socda saqafka.
Haweeneyda lagu magacaabo Ngoma waxa ay sheegtay in arrinta jiirka uu saameyn ku yeeshay caafimaadkeeda maskaxeed: "Runtii waa mid murugo ah, tanina waxa ay ahayd layaab, huriga waxa aan daganaa in ka badan toban sano’’.
Bayaan ay soo saareen kuwa u ololeeya arimaha deegaanka ayaa lagu yiri: "Markii ugu horeysay waxaa naloo ogeysiiyay dhibaatada jiirka 9 Janaayo 2024".
‘’Bishii Luuliyo ayaa sidoo kale na loo soo sheegay in jiirka uu saameeyay hanti’’ ayay raaciyeen.
Tan iyo markii la soo saaray warar sheegaya dhibaatada dooliga waxaa soo kordhayay qorshayaasha iyo dhaqdhaqaaqyada looga soo horjeedo sidii lagu cirib tiri lahaa jiirka.













