Xog cusub oo laga ogaaday sababta ay dhallinyaradu ugu biiraan Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sababta ugu weyn ee ay dadku ugu biiraan kooxaha xagjirka ah ee ka howl gala waddamada ka hooseeya saxaraha ee Afrika aysan ahayn arrin ku saabsan diin.
Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in dadka ay qortaan kooxahaas ay ujeeddadooda ugu muhiimsan tahay si ay shaqo u helaan.
Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay oo soo saaray warbixintan ayaa sameeyay ra’yi aruurin laga qaaday kumannaan qof oo ku kala nool siddeed dal oo ku yaalla Afrika.
Waddamada daraasadda laga sameeyay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo ay ka howl gasho kooxda Al-Shabaab, Mali oo ay Al-Qaacida ku leeyihiin saldhigyo iyo Nigeria oo ay ka shaqeyso kooxda Boko Haram.
Boqolkiiba 17 ka mid ah dadkii la wareystay oo keliya ayaa sheegay in ay diin darteed ugu biireen kooxaha xagjirka ah, halka 40% ay sheegeen in faqriga uu yahay waxa ugu weyn ee ay rabeen in ay ka badbaadaan.
Waxbarashada ayaa sidoo kale muhiim ah, iyadoo ay aad u yar tahay tirada dadka wax bartay ee ka mid noqda kooxaha ay ka mid tahay Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 2021, ku dhawaad kala bar ka mid ah dhimashooyinka lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ayaa ka dhacay dalalka Afrika ee ka hooseeya saxaraha.
Madaxa xafiiska Dambiyada iyo Daroogada ee Qaramada Midoobay Ghada Waly ayaa sheegtay in 2021-kii ay dalalka ka hooseeya saxaraha ee Afrika ku geeriyoodeen kalabar ka mid ah 3,500 qof oo ay dileen kooxaha argagixisada.
Ms Waly ayaa shegetay in ay wanaagsan tahay in la ogaado sababaha ugu waaweyn ee horseeda ku biirista kooxaha xagjirka ah.
Baaritaanno kale oo natiijadooda lagu soo bandhigay warbixinta ayaa lagu ogaaday in ilaha dhaqaalaha ee ay lacagaha ka helaan kooxaha jihaad doonka ah ee Afrika ay ka mid yihiin godadka laga qoto macdanta.
Hase ahaatee dhinaca Soomaaliya waxay Qaramada Midoobay horay u sheegtay in dhaqaalaha ugu badane e soo gala Al-Shabaab uu yahay mid kasoo xarooda canshuuro ay ka qaadaan shacabka.
Warbixintan ugu dambeysay ayaa soo baxday xilli uu bilihii lasoo dhaafay Soomaaliya ka socday dagaal ay dowladda ku sheegtay in lagu burburinayo Al-Shabaab.
'Waxaan Al-Shabaab kula dagaallameynaa fikir ahaan'

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay si xowli ah u wadday dagaal k adhan ah Al-Shabaab oo ay ka caawinayeen maleeshiyo deegaanno is abaabulay, halka dalalka saaxiibka la ahna ay ku taageerayeen ololahaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii dib loo soo doortay bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay dardar gelinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in kooxdan ay ula tacaali doonaan siyaabo kala duwan.
"Ujeeddadeennu waa inaan Al-Shabaab ula dagaalanno qaab ku dhisan fikir Islaami ah, oo aan tusno dadka in ay dowladdu difaacayso diintooda. Tanina micnaheedu waa in la billaabo dagaal aan loo kala harin," ayuu yiri.










