"Waxaan dareemay in uusan jirin qof raba in uu ila saaxiibo"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Robert Medhurst inta badan toddobaadkiisa oo dhan waxa uu ku bixiyay daawashada qoraallada baraha bulshada ee ay dhigeen ardayda jaamacaddiisa, kuwaas oo ka warramaya habeenadii ay la qaateen saaxiibadood.
"Waxaan jiifay sariirta anigoo dhammaantood daawanaya," ayuu yiri Robert. "Taasi waxay ahayd toddobaadkaygii ugu xumaa, oo ay i buuxiyeen dareenno cidlo iyo kalinimo ah."
Dadka la deggan Robert ee ay guri wadaaga yihiin sidoo kale ma jecla inay bannaanka u baxaan. Way isku dayeen inay waqti la qaataan kooxo kala duwan oo jaamacadda ah, balse ma aysan helin dad la mid ah iyaga.
"Waxaan bilaabay inaan kalsoonidii iska waayo, waxaan dareemayay in dadku aysan rabin inay ila saaxiibaan, ama aysan i jeclayn," ayuu yiri Robert.
Markii hore, Robert qorshe uma lahayn inuu jaamacad aado, xitaa shaqo ayaa loo soo bandhigay markii uu dhammaystay dugsiga sare, balse markuu arkay saaxiibbadiis oo Instagram iyo Snapchat ku soo dhigayay sawirro jaamacadda, ayuu is beddelay fikirkiisii.

Xigashada Sawirka, Robert Medhurst
Cabsi inyar ah oo uu dareemay in wax maqan yihiin awgeed, Robert waxa uu iska qoray koorso ganacsi oo jaamacadda Nottingham Trent ah. Wuxuu doortay jaamacaddan sababtoo ah waxaa lagu yaqaanay nolol ardaynimo oo firfircoon.
Laakiin dhowr maalmood oo kaliya kadib, Robert wuxuu bilaabay inuu ka fikiro inuu jaamacadda ka tago.
"Markaan eego baraha bulshada, waxay u ekaayeen in qof walba uu dadka la falgalayo, aniguse kaligay ayaan ahaa. Waa dareen aan si dhakhso ah uga daalay," ayuu yiri isagoo ka hadlay bilihii hore ee sannadkiisii ugu horreeyay.
Muuqaal uu soo dhigay TikTalk, Robert wuxuu ku sheegay inuu dareemay cidlo xafladdii soo dhoweynta ee usbuuciisii ugu horreeyay ee jaamacadda. Qoraallada ka hooseeyay muuqaalkiisa, dad badan ayaa la wadaagay waayo-aragnimooyin la mid ah kuwa uu sheegayo.
Filashooyinka ardayga
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Barnaamijyada TV-ga iyo baraha bulshada ayaa aad u buunbuuniya fikradda nololasha ardaynimada. Dad badan ayaa jaamacadda ku taga iyadoo ay ka buuxaan filashooyin ah: in ay la noolaadaan saaxiibadood, in ay habeenkii baxaan, in ay bartaan maaddada ay jecel yihiin, iyo in ay bilaabaan ciyaar ama hiwaayad cusub.
Laakiin dadka qaarkood kama helaan waayo-aragnimadan.
Lauren Howard oo ka tirsan adeegga latalinta ee Jaamacadda Bradford waxay sheegtay in arday qaarkood jaamacadda ku yimaadaan iyagoo "muraayado cascas" xiran — taas oo micnaheedu yahay inay wax walba si aad u qurux badan u arkaan.
Joanne Parfitt, oo ah agaasime ku xigeen ka ah Jaamacadda Swansea, waxay sheegtay in la sameeyay sahamin lagu sameeyay ardayda cusub toddobaadkoodii ugu horreeyay, waxaana caqabadaha ugu weyn ee ay sheegeen ahayd: sida ay ula qabsan lahaayeen deegaanka cusub.
Sahamin ay sameysay hay'adda cilmi-baarista suuqa ee Sibel ayaa muujisay in 17% ardayda ay sheegeen in aysan lahayn wax saaxiibo ah jaamacadda, halka 37% ay yiraahdeen waxay maalin kasta ka fikiraan sida ay saaxiibo u samaysan lahaayeen.
Parfitt waxay tiri ardayda way ku adag tahay arrintan, sababtoo ah marka aad ka tagto dugsiga ama heerka labaad, waxaa laga yaabaa in aad ka tagto saaxiibadaa hore, taas oo dad badan u noqota mid murugo leh.
Dareemidda walwalka
Barta TikTok ee Alisha Mian waxaa ka buuxa muuqaallo gabdho wada nool oo ku faraxsan guryaha ardayda – kuwaas oo samaynaya kuwaasi oo mararka qaar riwaado jilaya, habeenna baxaya isla markaana muujinaya farxad dheeri ah.
Laakiin markii Alisha ay ka guurtay London kuna tagtay Sheffield bishii Sebtembar 2024 si ay u barato saxaafadda, toddobaadkii ugu horreeyay way ku adkaatay sababtoo ah waxey dhex dabaala tay nolol aysan horey u garaneyn oo dhalinyardu mararka qar ayay Khmari cabbaan.

Xigashada Sawirka, Alisha Miah
Alisha ma cabto khamri waligeedna ma tegin goobaha lagu fuudo.
Waxay tiri: "Toddobaadka ugu horreeya ee jaamacadda waxaan ku qaatay qolkayga. Waxaan dareemayay inaan ka duwanahay dadka kale."
Tani waxay sii socotay bilihii ugu horreeyay ee Alisha jaamacadda. Waxay sheegtay inay dareemaysay walaac markay dadka la kulmeyso.
Sida Robert, Alisha waxay tixgelisay inay jaamacadda ka tagto ama koorsada beddesho, laakiin way ka baaqsatay sababtoo ah waxay dareentay in ujeeddadeedu tahay inay wax barato, ee aanay saaxiibo samaysan.
Sahanno ay sameeyeen Machadka Siyaasadda Waxbarashada Sare (Higher Education Policy Institute) iyo hay'adda Advance HE oo ay ka qayb galeen in ka badan 10,000 arday oo jaamacadeed ayaa muujiyey in 29% ay dareemeen go'doon isla markaana ay ka fiirsadeen inay waxbarashada joojiyaan.
Sababta ugu badan waxay ahayd caafimaadka maskaxda iyo shucuurta, waxaana xigtay walbahaarka dhaqaale.
Marwo Howard oo ka socota Jaamacadda Bradford ayaa tiri in ka maqnaanshaha qoyska, isku dayga in la sameeyo saaxiibo cusub iyo weliba la tacaalidda miisaaniyadda ay yihiin caqabado waaweyn oo horyaalla ardayda jaamacadaha.
Iyadoo raacisay in walaaca la xiriira arrimahan uu yahay mid caadi ah oo la fahmi karo.

Xigashada Sawirka, Christina Aaliyah
'Waxaan u maleynayay in jaamacaddu ay noqon doonto meel soo jiidasho leh'
In kasta oo Christina Alia Davies ay ku raaxaysatay waqtigeeda ay ku baranaysay daawada Jaamacadda Newcastle, haddana waxay sheegtay inaysan ahayn mid xiiso leh sida qoyskeedu Ugu sheegen..
"Waxay u muuqatay in jaamacaddu ay noqon doonto meel aad u xiiso badan oo soo jiidasho leh, halkaas oo asxaabtu ay ku cayaari doonaan oo ay heeso isku qaadi doonaan," ayay tiri.
"Markii aan fasalka lixaad ku jiray, waxaan ku riyoon jiray inaan casho ltago asxaabtayda guriga isla markaana aan martigeliyo xafladaha Halloween," ayay tiri.
Laakiin Christina ma aysan awoodin inay saaxiibo la noqoto asxaabta guriga muddo ku dhow hal sano waxayna mararka qaar dareemaysay kalinimo buuxda.
Waqti ka dib, Robert, Alisha, iyo Christina dhammaantood waxay heleen saaxiibo isku fikir ah.
Alisha waxay saaxiibo ka dhigtay koorsooyinkeeda iyo TikTok, halka Christina ay awood u yeelatay inay la macaamisho asxaabta ka dib sannadkii ugu horreeyay ee jaamacadda.
Talo
Robert hadda waa 24 jir, wuxuuna ku jiraa sanadkiisii ugu dambeeyay ee jaamacadda. Wuxuu hadda ku biiray ururka riwaayadaha ee jaamacaddiisa wuxuuna ka shaqeeyaa meel baar ah , taasoo ka caawisay inuu helo saaxiibo cusub.
Sidoo kale wuxuu iskaa wax u qabso u ahaa sanadkiisii labaad iyo kii saddexaad ee jaamacadda, isagoo caawin jiray ardayda cusub si ay ula qabsadaan deegaanka cusub.
Kuwa ku dhibtoonaya inay dhistaan nolol bulsheed sanadkoodii ugu horreeyay ee jaamacadda, Robert wuxuu kula taliyay inay si fudud "uga baxaan qolka" oo ay ka qaybqaataan kulamada iyo hawlaha ururada ardayda.
Wuxuu yiri, xitaa haddii aadan isla markiiba helin saaxiibo kugu habboon, ha quusan oo sii wad dadaalka.
Waxaa la yiraahdaa haddii aad dhowr toddobaad si joogto ah u sii waddo, dadka ayaa bilaabi doona inay ku aqoonsadaan, markaasna waxay noqon doonaan saaxiibbadaa.










