Dhegeyso: Maxaa hortaagan in Baanan caalami ah laga furo Somaliland
Dhegeyso: Maxaa hortaagan in Baanan caalami ah laga furo Somaliland
Bangiyada ka jira Somaliland ayaa waxa ay wajahaan caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo dhinaca shuruucda ah.
Guddoomiyaha Ururka ay ku bahoobeen bangiyo shan ah oo Somaliland ka jira, Khaliif Sheekh Cumar Nuur, ayaa sheegay in Baananku door weyn oo dhinaca horumarka bulshada ugu jiraan, xilli maanta ay ku beegan tahay Maalinta Qaramada Midoobay u aqoonsatay muhiimmada Baananku u leeyihiin horumarka dhaqaale ee adduunka.
Weriye Saleebaan Saxansaxo, ayuu uga waramay caqabadaha hortaagan in Somaliland laga furo Bangiyo caalami ah.


