Baadari isku dayay “Soonkii Nebi Ciise” oo gaajo u dhintay

Xigashada Sawirka, Qoyska Barajah
Baadari u dhashay dalka Mozambique ayaa geeriyooday xilli uu doonayay inuu soomo 40 maalmood oo uu kaga daydo Nebi Ciise NKH, sida ku xusan Injiilka.
Francisco Barajah oo asaasay kaniisadda Santa Trindade Evangelical ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Beira, kadib markii halkaa loo geeyay si wax looga qabto xaaladdiisa caafimaad.
Kadib 25 maalmood oo uu af xirnaa, ayaa baadari Francisco Barajah waxaa uu noqday mid jir ahaan dhaciif ah oo xitaa aan istaagi karin.
Baadariga oo 39 jir ahaa ayaa qoyskiisa iyo xertiisa waxa ay u qaadeen cisbitaalka si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.
Markii cisbitaalka la geeyay, Barajah ayaa la ogaaday inuu qabo dhiig yari ba’an, isla markaana ay hawlgab noqotay qeybta dheef shiidka.
Hawlwadeennada caafimaadka ayaa isku dayay inay soo celiyaan awoodda jirkiisa oo ay ku duraan cunno dareero ah, balse taasi laguma guulaysan oo waxa uu baadariga geeriyooday Arbacadii.

Xigashada Sawirka, Qoyska Barajah
Baadari Francisco Barajah ayaa sidoo kale ahaa macallin luuqada Faransiiska ka dhiga iskuul ku yaalla magaalada Messica ee ka tirsan gobolka Manica o dhaca xuduudda dalka Mozambique uu la leeyahay Zimbabwe.
Xubnaha kaniisadda Santa Trindade ayaa sheegay in baadariga iyo xertiisa ay soomi jireen, balse aanay horay u dhicin in intaas oo maalmood uu soomo.
Marques Manuel Barajah oo ay walaalo yihiin baadariga geeriyooday ayaa su’aal geliyay sababta uu u dhintay, waxaana uu sheegay in inkastoo Francisco Barajah uu muddo soomanaa, haddana "uu u geeriyooday cadaadiska dhiiggiisa oo hooseeyay.”
Ma aha markii ugu horreysay ee uu qof u dhinto isagoo isku dayaya "soonkii Nebi Ciise uu 40 maalmood ku soomay saxaraha” sida ku qoran Gospel of Matthew ee Kitaabka Injiilka.
Sanadkii 2015, nin u dhashay dalka Zimbabwe ayaa geeriyooday kadib markii uu soomay 30 maalmood oo xiriir ah, sida ay xilligaa ku warrantay warbaahinta dalkaas.
Sanadkii 2006, dhakhtar baara meydadka oo British ah ayaa xaqiijiyay in haweeney reer London ah ay sababsatay soon ay waday 20 maalmood oo xiriir ah.










