Nepal oo qaaday xayiraadii Baraha Bulshada ee ay ku dhinteen 19ka qof

Dowlada Nepal ayaa qaaday xayiraadii dhanka baraha bulshada ka dib markii ay keentay isku dhacyo dhex maray dad mudaharaadayay iyo booliska oo ay ku dhinteen ugu yaraan ilaa 19 qof.

Dhalinyaro kumanaan ah ayaa xoog ku galay dhismaha baarlamanka ee caasimada Kathmandu Isniintii, iyaga oo ka codsaday dowladda inay ka qaado xayiraadda ay saartay 26 mareegaha bulshada oo ay ku jiraan Facebook iyo Youtube, waxayna sidoo kale ugu baaqeen inay wax ka qabato musuqmaasuqa.

Waxaa go'aankani la gaaray ka dib shir degdeg ah oo goloha wasiirada ay yeesheen galinkii dambe ee Isniinta si ''wax looga qabto dalabaadka Gen Z'', ayay tiri wasiirka isgaarsiinta iyo warfaafinta Prithvi Subba Gurung, sida wararku tibaaxayaan.

Waxaa ku dhaawacmay in ka badan 100 qof mudaharaadyada, kuwaas oo sidoo kale ka dhacay magaalooyinka ka baxsan caasimadda.

Goobaha warbaahinta bulshada sida Instagram ayaa malaayiin adeegsada ah ku leh Nepal, kuwaas oo ku tiirsan madadaalada, wararka iyo ganacsiga.

Laakiin dawladdu waxay cudurdaar ka bixisay mamnuuciddeeda, oo la hirgeliyay usbuucii hore, iyada oo loogu magac daray ka hortagga wararka been abuurka ah, hadalada nacaybka iyo khiyaanada internetka.

Dhalinyaro isugu soo baxay waddooyinka Isniintii ayaa sheegay in ay sidoo kale ka soo horjeedaan waxa ay u arkaan hab-dhaqanka kali-taliska ah ee dowladda.

Qaar badan oo ka mid ah ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ka mid yihiin "ku filan ayaa ku filan" iyo "dhammaadka musuqmaasuqa".

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku tuuray guriga ra'iisul wasaare KP Sharma Oli oo ku yaalla magaalada uu ku dhashay ee Damak.

Mid ka mid ah mudaaharaadayaasha, Sabana Budathoki ayaa mar sii horreysay BBC-da u sheegtay in xannibaadda baraha bulshada ay tahay "sababta" ay isugu soo baxeen.

Halkii laga mamnuuci lahaa baraha bulshada, waxaan filayaa in qof walba diiradda saarayo musuqmaasuqa," ayay sharraxday, iyadoo raacisay: "Waxaan rabnaa in waddankeenna uu soo laabto. Waxaan u isugu soo baxnay inaan joojinno musuqmaasuqa."

Olole "nepo kid" - oo iftiiminaya qaab nololeedka quruxda badan ee carruurta siyaasiyiinta oo lagu eedeeyay inay maalgeliyaan musuqmaasuq - ayaa ka bilaabmay warbaahinta bulshada ee Nepal toddobaadyadii la soo dhaafay.

Maalintii isniinta, booliska magaalada Kathmandu waxa ay adeegsadeen biyaha xooggan ee booyadaha booliska, buurar iyo rasaas caag ah si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha.

Ra'iisul Wasaare KP Sharma Oli ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay rabshadaha iyo khasaaraha ka dhashay, isaga oo ku eedeeyay dhacdooyinkii maalintaas inay "ku soo dhex dhuunteen kooxo dano gaar ah leh".

Dawladdu waxay samayn doontaa guddi soo baara mudaaharaadyada, ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in dawladdu ay "u fidin doonto gargaar dhaqaale" dhibanayaasha iyo in ay daweyn bilaash ah u fidin doonto kuwa dhaawacmay.

Wasiirka arrimaha gudaha Ramesh Lekhak ayaa fiidnimadii gudbiyay iscasilaadiisa ka dib dhaleecayn xooggan oo loo jeediyay maamulkiisa oo awood u adeegsaday mudaaharaadyada.

Toddobaadkii hore, mas'uuliyiintu waxay amar ku bixiyeen in la xannibo 26 goobood oo warbaahinta bulshada ah oo aan u hoggaansamin wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu diiwaan gelinayo wasaaradda isgaarsiinta iyo tignoolajiyada macluumaadka ee Nepal.

Dowladda Nepal ayaa ku doodday in aysan mamnuucin baraha bulshada balse ay isku dayayso in ay waafajiso sharciga Nepal.