Iran oo ka jawaabtay eedeymaha Mareykanka ee ku lug lahaanshaha shirqoolkii lagu dili rabay Trump

Madaxweyne Donald Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Trump wuxuu dhibane u ahaa labo isku day dil oo looga shakiyay sanadkan 2024-ka

Iran ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan ku lug lahaanshaha shirqoolada dilalka ee Mareykanka, gaar ahaan beegsiga madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, ay "gabi ahaanba yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn".

"Eedaynta ah in Iran ay ku lug leedahay isku day dil oo lala beegsaday saraakiil hore oo Maraykan ah ama kuwa hadda jooga waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn," afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei ayaa sidaas ku yiri hadal uu soo saaray.

Mas’uuliyiinta dalka Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogay nin lagu eedeeyay inuu maleegayay shirqool lagu khaarajinayo Donald Trump ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha soo socda ee Mareykanka.

Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa soo bandhigtay dacwad ka dhan ah Farhad Shakeri, oo 51 jir ah, kaasoo ay sheegeen in loo xilsaaray inuu soo bandhigo qorshe lagu dilayo Trump.

Dacwadda dembiyeedka laga gudbiyay maxkamadda Manhattan, dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay in sarkaal ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran uu ku amray Shakeri inuu dejiyo qorshe bishii Sebtembar la soo dhaafay si uu u ula socdo oo u dilo Trump.

Sirdoonka Maraykanka ayaa uga digay Trump hanjabaada Iran ee ah in la dili doono

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Merrick Garland ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in waaxda cadaaladda ay ku soo oogtay ninkan wax uu ku tilmaamay hanti uu leeyahay taliska Iran oo u xilsaaray in uu hago shabakad dambiilayaal ah oo la shaqeeya si ay u sii wadaan shirqoolada dilka ee ka dhanka ah bartilmaameedyada uu ku jiro madaxweynaha la doortay Donald Trump."

Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa sidoo kale dacwad kusoo oogtay labo nin oo kale oo looga shakisan yahay in loo qoray inay dilaan wariye Mareykan ah oo dhaleeceeya Iran.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waaxda cadaaladda ayaa labada nin magacyadooda ku sheegtay Carlyle Rivera, oo loo yaqaan "Bob," oo 49 jir ah kuna nool Brooklyn iyo Jonathan Loadholt, oo 36 jir ah, oo ku nool Staten Island.

Labadan nin ayaa Khamiistii lasoo dhaafay kasoo muuqday maxkamad ku taalla degmada Koonfurta ee New York.

Trump ayaa sanadkan waxaa beegsaday labo qof oo looga shakiyay inay isku dayeen inay dilaan. Bishii Luulyo, waxa uu dhaawac fudud ka soo gaadhay dhegta ka dib markii uu toogtay nin hubaysan xilli uu olole ka socday Pennsylvania.

Nin ayaa la xiray bishii Sebtembar ee la soo dhaafay ka dib markii uu qori ku fiiqay Trump xilli uu ciyaarayay ciyaarta golf-ka isagoo ku sugan West Palm Beach, Florida.

Sida ku cad eedaymahan, Shakeri ayaa loo sheegay in uu muddo 7 maalmood gudahood ah ku diyaariyo qorshe lagu dilayo Trump, laakiin Shakeri, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, waxa uu u sheegay sharci fulinta in aanu ku talo jirin in toddobadaas maalmood gudahood uu ku soo bandhigo qorshe lagu dilayo Trump, sidaa awgeed saraakiisha IRGC si ku meel gaadh ah hakiyeen qorshihii.

Shakeri ayaa sheegay in dowladda Iran ay u sheegtay in ay fududaan doonto in la dilo Trump doorashada ka dib, sababtoo ah waxa ay aaminsan yahay in uu ku guuleysan doono, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Aqalka Cad.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Aqalka Cad isagoo ballan qaaday inuu tallaabo ka qaadi doono arrimaha ay ka midka yihiin, socdaalka, dhaqaalaha iyo dagaalka Ukraine.

Dacwad oogayaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay Shakri, iyagoo sheegay inuu ahaa nin reer Afgaanistaan ah yimid Mareykanka isagoo caruur ah balse la tarxiilay sanadkii 2008-dii ka dib markii uu 14 sano oo xabsi ah ku qaatay dambi tuugonimo ah.

Shakeri waxa uu xabsiga ka shaqaaleysiiyay "shabadhka dambiilayaasha" oo ay ku jiraan Rivera iyo Lodholt, si ay ula socdaan bartilmaameedyada dawladda Iran, waxana uu u ballan qaaday 100,000 oo doolar si ay u dilaan saxafiga Maraykanka ah ee ka warbixinayay "xadgudubyada xuquuqda bini'aadmiga iyo musuqmaasuqa ee taliska Iran," dacwad oogayaasha ayaa sidaasi yiri.

Wariye fadhigeedu yahay Brooklyn oo lagu magacaabo Masih Alinejad ayaa barteeda bulshada ku sheegtay in FBI-da ay xirtay labo nin oo doonayay inay dilaan, iyadoo intaa ku dartay in "dilayaasha laga shakisan yahay" ay soo gaareen afaafka hore ee gurigeeda Brooklyn.

"Waxaan u imid Maraykanka si aan u isticmaalo wax ka beddelkaygii koowaad ee xaqa xorriyadda hadalka. Ma doonayo inaan dhinto,” Masih Nejad ayaa sidaas qortay. "Waxaan rabaa in aan dagaallamo oo aan noqdo dulmi-diid, waxaana u qalmaa in aan nabad galo."

Marka laga soo dilka Saxafiyadda Mareykanka ah iyo Trump, eedeymaha kale waxaa ka mid ah in dowladda Iran ay dooneysay in ay disho labo nin oo Yuhuudi ah oo ganacsato Mareykan ah oo degganaa New York, kuwaas oo taageeradooda Israa’iil ku muujiyay baraha bulshada.

Shakeri ayaa dacwad oogayaasha u sheegay in wakiilada Iran ay ka codsadeen inuu qorsheeyo toogasho wadareed lagu bartilmaameedsanayo dalxiisayaasha Israel ee ku sugan Sri Lanka bishii Oktoobar 2024.

Shakeri, Rivera iyo Lodholt ayaa midkiiba lagu soo oogay dacwad dil ah oo loo soo kiraystay, kuwaasoo muteysan doona ugu badnaan 10 sano oo xarig ah. Waxa ay sidoo kale wajahayaan eedeymo la xiriira in ay maleegayeen lacago sharci darro ah, kaas oo lagu xukumayo ugu badnaan 20 sano oo xarig ah, iyo in ay maleegayeen dil ay u kireysanayeen.