You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dadka Itobiyaanka ah ee ku sugan Mandera oo waqti kama dambeys ah loo qabtay inay uga baxaan magaalada
Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Degmada Mandheera ee waqooyi-barsi dhaqso ah uga bixin isla halkaasi.
Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool Mandheera, kuwaas oo codsaday in aan magacyadooda la sheegin, ayaa BBC sheegay in"noloshooda ay khatar ku jirto."
Safaaradda Itoobiya ee Kenya ayaa dhankeeda sheegtay inay si dhow ula socoto arrintan.
Mid ka mid ah dadka Itoobiyaanka oo ay BBC la hadashay, oo ah aabbe leh laba carruur ah, ayaa sheegay inuu Mandheera uu ku noolaa siddeed sano.
"Waxaan iibsanay mooto, waxaan furnay hoteel, waanan shaqaysanaynay. Ma naqaan cidda ka dambaysa, balse waxay bilaabeen inay yiraahdaan, 'Dhammaan Itoobiyaanka ha baxaan,'" ayuu yiri.
Qaxootiga Itoobiyaanka ah ayaa intaas ku daray, "Way fiicnaan lahayd haddii ay naga tegi lahaayeen annaga oo nabad ah. Laakiin hadda way na xirayaan, lacag ayay naga qaadanayaan. Waxay ku imanayaan gaadiidka booliska, waxayna lacag ka qaadanayaan tagaasida. Dhibaato weyn ayaan ku jirnaa."
mid ka mid ah dadka Itoobiyaankan ayaa xaaladdooda ku sifeeyay, "Ma haysanno cid na caawisa."
Degganahaasi, oo la sheegay in Itoobiyaan badan ay ka shaqeeyaan shaqooyin kala duwan oo ka jira Degmada Mandheera, ayaa yiri, "Tirada Itoobiyaanka ah waxaa lagu qiyaasaa ilaa 10,000."
"Ma rabno Itoobiyaan; ha baxaan. Waxay u imaanayaan halkan iyagoo doonaya inay dalkeenna la wareegaan," ayuu yiri qof Itoobiyaan ah oo qaxooti ah. Wuxuu sheegay in markii uu isku dayay inuu weydiiyo sababta arrintan keentay, loo sheegay inuu "weydiiyo odayaasha dalka."
Wuxuu intaas ku daray in markii qaar ka mid ah Itoobiyaanku u tageen odayaasha, loo sheegay, "Ma rabno inaan idin aragno. Ka baxa dalkeenna."
Sidoo kale wuxuu sheegay in kulammo lagu qabtay Degmada Mandheera lagu sheegay in muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ay ku lug leeyihiin gaadiidka mootooyinka (bajaaj ama mooto-taksi) iyo ganacsiga hoteellada, taasoo keentay in la is weydiiyo, "Maxaan ka yeelaynaa?"
Dadka deegaanka ee ay BBC wareysatay ayaa sheegay in inta badan Itoobiyaanka ku nool Degmada Mandheera ay ka soo guureen Aagga Wolayta iyo Gobolka Oromia.
"Waxay noo sheegeen in haddii aan ka bixi wayno ugu dambayn 5-ta Janaayo nala dili doonaa."
Qaxooti Itoobiyaan ah oo kale oo la hadlay BBC ayaa sheegay, "Ololahan hadda socda ee ah 'iska baxa' wuxuu bilowday kaddib markii toddobaadkii hore la dilay nin Itoobiyaan ah."
Degganahaasi wuxuu yiri, "Nalooma oggolaan inaan maydka Itoobiyaankaas u dirno dalkiisa."
Wuxuu sheegay in qaxootiga Itoobiyaanka ah lagu dilay meel la yiraahdo Burabur, isla markaana loo sheegay in "xabbaddii lagu dilay ay ka baxday jirkiisa," isla markaana aan wax baaritaan meyd lagu samayn.
Wuxuu sharraxay in kaddib markii Itoobiyaanka ku nool isla aaggaas ay aaseen marxuumka, la bilaabay olole lagu sheegayo, "Ma rabno Itoobiyaan; ha naga tagaan."
Degganahaasi wuxuu sheegay in waqtiga kama dambaysta ah ee loo qabtay Itoobiyaanka inay ka baxaan Degmada Mandheera uu yahay 5-ta Janaayo, isla markaana kaddib taariikhdaas la bilaabay olole lagu hanjabayo in qaxootiga "dhagax lagu dili doono."
Degganaha, oo sheegay inuu maqlay "go'aanka odayaasha" ee ah in qaxootiga Itoobiyaanka ah ay ka baxaan Degmada Mandheera, haddii kale la dili doono, ayaa BBC u sheegay in "olole lagu wargelinayo arrintan lagu fulinayo cod-baahiyeyaal lagu rakibay gaadiid, kuwaas oo dadka ku amraya inay ka baxaan."
"Amarku wuxuu ka yimid odayaasha dalka. Waxaa suuragal ah in hay'adaha dowladda aysan ku lug lahayn. Iyagoo dadka xiraya ayay dalbanayaan ilaa 20,000 oo shilin. Qofkii bixiya waa la sii daynayaa, kan aan haysan lacagtaasna waxaa la xidhayaa ilaa laba bilood," ayuu yiri.
Itoobiyaankan, oo sheegay in arrinta ah "ka baxa dalkeenna" ay horay u dhacday, ayaa sheegay in tan hadda jirta ay tahay "mid aad u xooggan," isla markaana "xaaladdu ay khatar gelinayso nolosheenna."
"Markii hore hadal ahaan ayay uga hadli jireen, balse awood ma lahayn. Laakiin tan iyo geerida wiilka, arrimuhu way kasii darayaan. Odayaasha dalka ee ka soo horjeeda Itoobiyaanka waxay soo saareen bayaan sheegaya in xitaa haddii la dilo aysan jirin cid lagula xisaabtami doono," ayuu raaciyay.
Wuxuu sheegay in lagu eedeynayo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah in "rag iyo dumar ay wada socdaan gacmaha is haysta" iyo in "raggu habeenkii baxaan si ay u dhacaan," isla markaana la bilaabay olole looga hor istaagayo xitaa inay ka shaqeeyaan ururinta biraha oo ah shaqo ay qaban jireen.
Mid ka mid ah dadka halkaasi deggan, oo xusay in Itoobiyaanku inta badan ku shaqeeyaan shaqooyin mushaharkoodu hooseeyo oo ka jira gobolkan Mandera ee Kenya, ayaa sheegay in kaddib markii ololaha la bilaabay, loo sheegay loo-shaqeeyayaasha—iyagoo ka amar qaadanaya odayaasha—inay si degdeg ah u bixiyaan mushaharka shaqaalaha Itoobiyaanka ah, kadibna ay ka diraan Mandheera.
Maxay ka yiraahdeen odayaasha Mandera?
Qaar ka mid ah odayaasha Mandera oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay sax tahay in dadka Itoobiyaanka loo qabtay waqti kama dambeys ah uga baxaan Mandera.
Ugaas Cusmaan Riqiso oo ah gudoomiyaha guddiga odayaasha ee loo xilsaaray arrinta dadka ajaaniibta ah ayaa BBC sheegay in "amni-daro iyo dhaqan-xumo kale ay dadka Itoobiyaanka la soo galeen Mandera"
"Waxaan aragnay in ciddan ay dhaqan badal ay noola imaadeen, anaga dhaqan iyo diin ayaan leenahay laakiin dad dhaqankeena iyo Diinteen aan lahayn, waxay la yimaadeen akhlaaq xumo aan anig halkan ka sheegi karin oo anaga haddaan reer Mandera nahay na dhibtay" ayuu yiri Mr Cusmaan.
Mr Cusmaan ayaa dhanka kale ku eedeeyay ddaka Itoobiyaanka ah in ay ku lug leeyihiin arrimo amni daro.
Magaaladii amaan-daro ayaa ak dhacday, guriyo ayaa la jabsani, dhib bay noo keeneen habeen kasta guriyo ayaa la jabsani, dukaamo ayaa la jabsani, xaafadda ayaa la gali cidda ayaa la baaranayaa, markii la aan ogaanay inay iyaga yihiin oo dhowr qof al qabtay markaan ayaan niri ciddaan aan ak tashano" ayuu yiri Mr Cusmaan.
Mar aan wax ka waydiinay in ay u hanjabeen dadka Itoobiya oo ay dil uga hanjabeen haddii ay Mandera ka bixin ayaa waxaa gabi ahaan-ba beeniyay hanjabaada ay sheegeen dadka Itoobiyaan in loo jeediyay.
waxaa uu dhanka kale sheegay in arrintan ay dowlada la kaashanayaan oo aysan sharciga gacantooda ku qaadan doonin.
"Anaga dowladda ayaan ka dambeynaa, wadankeena dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayaan ku soconaynaa, wdankeena ammaan ayuu leeyahay ciidan ayaa jooga, sharci iyo kala dambeyn ayaa jirta anaga gacan ma qaadayno dowladda ayaan la kaashanaynaa" ayuu intaa raaciyay Mr cusmaan.
"Haddii ay waqtigaa ku bixi waayan waa la qab-qabanayaa dwoladda qabanaysa maxkad ayaa la geyni " ayuu yiri Mr CUSMAAN.
"Ma hayno wax kale oo aan ahayn inaan is diyaarino".
Dadkan Itoobiyaanka waxay sheegeen in qaar ka mid ah Itoobiyaanka ka shaqaynayay shaqooyin kala duwan oo ka jiray Degmada Mandheera ay horay u baxeen, halka kuwo kalena ay isu diyaarinayaan inay baxaan.
"Ma hayno wax ikhtiyaar ah oo aan ka ahayn inaan annagu xalkeenna diyaarino," ayuu yiri mid ka mid ah qaxootiga.
Isagoo ka hadlaya cadaalad-darrada ka jirta dilkii Itoobiyaanka la dilay toddobaad ka hor, ayuu yiri, "… ilaa sharciga la hirgeliyo si looga hortago in dhiig bani'aadam la daadiyo, lana oggolaado in maydkiisa uu dalkiisa galo, annagu wax xuquuq ah ma lihin. Taasi waxay muujinaysaa inaanan haysan dowlad."
Safaaradda Itoobiya ee Kenya ayaa BBC u sheegtay, "Arrintani ma aha mid cusub; waanu la soconnaa."
"Waxaan ogeysiinnay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Sidaan hore u sameynay, waxaan sidoo kale la socodsiinnay maamulka Mandheera, waanan daba soconnaa," ayuu yiri Safiir Demeke Atanafu, ku-xigeenka madaxa safaaradda.
Wuxuu intaas ku daray in olola noocan la mid ah ay horay uga dhaceen aaggaas, isagoo yiri, "Ma ahayn kuwo dowladdu waddo; waa shaqsiyaad. Markaas waqti kama aysan cayimin; hadda way cayimeen."
Safiir Demeke ayaa sheegay in maamulka deegaanka iyo dowladda dhexe ay "iska kaashanayaan" arrintan, isla markaana ay wada-hadallo la leeyihiin wakiillada bulshada.
Wuxuu xusay in hay'ad dowladeed oo keliya ay sheegi karto in muhaajiriintu "sharci-darro yihiin ama aanay haysan aqoonsi," isagoo BBC u sheegay, "Hay'adaha dowladda arrintan wax lug ah kuma laha. Waxay bixinayaan ilaalinta lagama maarmaanka ah."