Anwar Shakundha oo BBC-da uga warramay sababta looga reebay ciyaartoyda Soomaaliya ku meteli doona ciyaaraha caalamiga ah
Anwar Shakundha oo BBC-da uga warramay sababta looga reebay ciyaartoyda Soomaaliya ku meteli doona ciyaaraha caalamiga ah
Anwar Siid Cali Shakunda, waa ciyaaryahan da' yar oo weerarka uga ciyaara kooxda Dekedaha ee Horyaalka Heerka Koowaad ee Soomaaliya. Waxa uu xirtaa lambarka 10-aad.
Shakunda ayaa ka mid ah ciyaartoyda ay sida wayn uga baqaan daafacyada Soomaaliya, marka uu kubbadda qabtana wax badan ayuu ka beddelaa weerarka kooxdiisa.
Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu caansan Soomaaliya, isagoo xulka qarankana ku matala tartamada caalamiga ah.
Waxaase baraha bulshada Soomaalida aad looga hadal hayaa in laga reebay cayaartoyda Soomaaliya uga qeyb galeysa cayaaraha caalamiga ah iyo is reebreebka Koobka Adduunka. Haddaba muxuu arrintan ka yiri Anwar?


