Shirkad weyn oo shaqo usoo bandhigtay wiil toddoba jir ah oo adduunka ka yaabsaday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkad dhanka teknolojiyadda oo Ruushka laga leeyahay ayaa wiil toddoba jir ah oo caan ku ah xirfadda coding-ka ee kumbiyuutarrada ku casuuntay inuu ku biiro kooxdeeda maamulka, isla markii uu weynaado uuna u qalmo shaqo uu lacag ku qaadanayo.
Sergey oo kasoo jeeda magaalada Ruushka ku taalla ee St Petersburg ayaa magac usoo jiiday naftiisa, isagoo baraha bulshada soo dhiga muuqaallo uu ku sharxayo sida loo qoro software-ka tan iyo intii uu shan jir ahaa.
Sida ay muhiim u yihiin una xooggan yihiin muuqaalladaas darteed, shirkadda warbixinta ammaanka ee Pro32 ayaa u dirtay dalab shaqo siin oo qoran, si uu u noqdo madaxa tababarka shirkadda.
Marka la eego sharciga Ruushka, Sergey ma awoodi doono inuu qabto shaqo uu lacag ku qaadanayo ilaa uu ka gaarayo da'da 14 sano.
Balse madaxa joogtada ah ee Pro32 Igor Mandik ayaa u sheegay BBC World Service in waaliddiinta Sergey uu kala hadlay inay u sheegaan qaabab uu haatan kula sii shaqeyn karo.
"Aabbihiis, Kirill, ayaa aad u yaabay wuxuuna sheegay inay aad u faraxsan yihiin ayna sugayaan xilliga uu Sergey awoodi doono inuu shirkadda ku biiro," ayuu yiri Mr Mandik.
'Khabiir dhanka coding-ka ah'
Muuqaalladiisa, ayuu Sergey wuxuu u muuqdaa qof furfuran oo u dhoolla caddeynaya iyadoo laga dheehanayo sida uu shaqadiisa ugu raaxeysanayo. Isagoo ku hadlaya afka Ruushka mararka qaarna Ingiriis yar oo jajaban, ayaa wuxuu coding-ka uga hadlaa isagoo u sharraxaya tallaabo tallaabo.
Barta uu ku leeyahay YouTube waxaa ku xiran dad ka badan 3,500 oo daawada muuqaalladiisa, kuwaasoo daneeya barashada luqadaha programming-ka kumbiyuutarrada ee Python iyo Unity, amaba doonaya inay wax badan ka ogaadaan kumbiyuutarka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mr Mandik ayaa sheegay in Sergey uusan keliya muujin xirfado horumarineed oo aan caadi ahayn balse sidoo kale uu xirfado sidaasoo kale u gaar ah oo dhanka wax baridda ah uu la yimid.
"Aniga ahaan, waa nin khabiir weyn ah."
"Gebi ahaanba waan hubaa in marka uu gaaro da'da 14, uu khabiir ku noqon doono wax baridda iyo khabiir horumarinta, taasina waa sababta aan uga dhursugeyno xilligaas," ayuu yiri.
Keliya maaha dadka xirfadda kumbuyuutarka ku shaqeysta, balse ganacsatada, xisaabiyeyaasha iyo qaar kale oo ka shaqeeya shirkadda fadhigeeda uu yahay Moscow ee Pro32 ayaa wax ka baran kara Sergey, sida uu sheegay Mr Mandik.
Weli looma sameyn ballan-qaadyo dhanka lacagta uu qaadan doono ah, ilaa iyo haatan, marka la eego in qiimaha ama lacagta lagu shaqeeyo ay is beddeli karto muddo kadib.
"Waxaan ku qasbannahay inaan sugno toddoba sano oo kale," ayuu yiri Mr Mandik. "Kadib xaqiiq waan bilaabi doonnaa wada-hadal ku saabsan mushaarkiisa." Ayuu intaa raaciyay.













