Maxaa Ciidanka Kenya kaga xiran gudaha Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, KDF
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Freelance Journalist at BBC Somali News
Kenya ayaa dib dhigtay qorshihii dib loogu furi lahaa xadka ay la wadaagto Soomaaliya, taas baddelkeedana waxay deeganada xududda ku xeeran ka bilowday hawlgal lagu xaqiiinayo amniga.
Halka ay wax ka soo bilowdeen, waxa is beddalay iyo tallaabooyinka ilaa hadda ay Kenya qaadday ayaan ku eegi doonnaa qormadan.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa shantii Juunyo sheegay in dalkiisu dib dhigi doono dib u furista xadka Kenya ay Soomaliya la wadaagto, sababo la xiriira weerrarada Al Shabaab oo kusoo kordhay deegaanada dhaca soohdimaha labadan dal wadaagaan, sida ay qortay warbaahinta The Star ee Kenya laga leeyahay.
“Kenya iyo Soomaaliya waxay wadeen qorshe dib loogu furayo xuduudaheenna Mandheera, halkan Liboi, Kiunga iyo deegaannada kale ee xuduudka ku teedsan. Qorshuhu wuu sii socon doonaa laakin hadda waanu dib dhigaynaa,” Kindiki ayaa yiri mar uu booqanayay xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee waqooyi-bari Kenya.
"Bishii la soo dhaafay, waxaan ogaanay oo aan la kulanay carqaladeyn nabadeed, waxaana joojinay qorshahaas in muddo ah si ay u suurto gasho inaan la dagaalanno xagjiriinta," ayuu raaciyay.

Xigashada Sawirka, KDF
Weerarrada soo badanayey
4tii Juunyo, Kenya waxay billowday howlgal milateri oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya kaddib mowjado weerraro ah oo dhawaanahan ka dhacayey xadka iyo gudaha Kenya.
Kindiki ayaa la kulmay kooxo dhowr ah oo amniga ka shaqeeya oo ka howlgala ismaamulada Mandera, Wajeer iyo Gaarisa si ay warbixin iyo dardaaran niyadda ugu soo dhisaan, iyadoo howlgalka uu bilowday, ayaa lagu yiri warbixinta.
Tan iyo bartamihii bishii May markii dowladdu ay ku dhawaaqday in muddo 90 maalmood gudahood ah lagu furayo goobaha xuduudka, ayaa weeraro lala xiriirinayo Al-Shabaab waxa ay ka dhacayeen gobollada xadka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Juunyo oo kaliya, ismaamulada Mandera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa laga diiwaan geliyay in ka badan 15 weerar oo argagaxiso oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, oo u badan saraakiisha ammaanka.
Qaybta warqabadka ee BBC-da ayaa diiwaan gelisay 15 weerar oo ka dhacay gudaha Kenya oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-Shabaab, waxayna ka qirteen idaacada Andalus ee ku hadasha afkooda intii u dhaxeysay 1dii iyo 25kii bishii dhamaatay ee Juunyo.
4-tii Luulyo, Kenya waxay sheegtay inay 141.3 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u adeegsan doonto casriyeynta qalabka lagu sugayo ammaanka ee hay’adaha dagaalka kula jira kooxaha nabad-diidka ah iyo burcad-badeedda ee gobolka Waqooyi-bari.
Dib u furista xuduudda ayaa ahayd in si hufan loo soo afjaro 12 sano oo xadku xirnaa oo soo billowday sanadkii 2011 markaas oo Kenya ay billowday hawlgalkeedii ay ugu magac dartay “Howlgalka Difaaca Dalka” ee lagula dagaallamayo qulqulka dagaalyahannada Al-Shabaab ee gudaha dalkeeda.

Xigashada Sawirka, Twitter
Qulqulka dagaallamayaasha
Dagaalamayaasha Al Shabaab ee Kenya kusoo badanaya ayaa loo aanaynayaa sababo ay ka mid yihiin dagaalka kaga socda gudaha Soomaaliya.
Soomaliya ayaa bishii Agoosto ee 2022 bilowday dagaal aan waxba lala harin oo ka dhan ah Al Shabaab taas oo keentay in Kenya ay sare u qaaddo amniga xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya si aysan u soo galin maleeshiyaadka ka soo baxaya Soomaaliya.
Axmed Xaashi oo ka faallooda arrimaha Kenya ayaa aaminsan in sababtu tahay cadaadiska ka saaran dhanka gudaha Soomaaliya, saas darteedna ay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al Shabaab isku dayayaan in ay soo galaan gudaha Kenya. “horta waad ogtahay sida ciidamada Kenya ay Al Shabaab ugula dagaalamayaan gudaha Soomaaliya, saas darteed xuduudaha Kismayo iyo Kenya ayey soo galayaan iyagoo cararaya,” ayuu yiri Axmed xaashi oo ku sii daray “markaa xuduudaha waxaa ka dhashay amni darro”.
Wuxuu Axmed aaminsan yahay in Alshabaab awal dadku ka baqi jireen haddase aysan cidna ka baqin saas darteedna cadaadis uu soo fuulay, “waayo dadku markii hore waa ka baqi jireen hadda cid ka baqaysa ma jirto waayo dadku waxay arkeen in xabbaddu iyagaba ku dhacayso” ayuu yiri. “Waa soo yacayaan dhinacan woqooyi bari Kenya ayey ku dhuumanayaano,” ayuu sii raaciyey.
Axmed wuxuu u arkaa tallaabada dawladda Kenya qaadday tahay mid taxaddar ah isla markaana “dib u gurasho” iyo “dib u eegis ah”, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Xasan xeyle oo asna ka falanqooda arrimaha geeska Afrika ayaa qaba ra'yi kale oo ah in Kenya aysan raali ka ahayn bixitaanka ATMIS.
Wuxuu qabaa in Kenya ay danaheeda amni u gashay Soomaaliya isla markaana haddii ay kasoo baxdo gudaha Soomaaliya uu xuduudkeeda ku imaan karo xasilooni darro, "Joogitaanka Al Shabaab ee Soomaaliya, waddamada deriska la ah mar kasta khatar ayey ku ahayd," ayuu yiri Xasan. "Kenya taxadar ayey ka qabtaa madaama haddii ay ATMIS baxdo dhibaatadii Al shabaab ay soo noqonayso,"ayuu sii raaciyey.
Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay dhoollatus millatari ku soo bandhigtay gobolka Gedo ee Soomaaliya, waxaa sidaas sheegay warbaahinta taageerta kooxda.
Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga 680 kilomitr oo dhanka dhulka ah, waxaana ka dhexeeya muran daba dheeraaday ku saabsan xadkooda dhanka badda oo lagu tuhunsan yahay in uu shidaal ku jiro.










