Muhaajiriin maydadkooda laga helay webi mara xadka Mareykanka iyo Canada

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in maydadka sideed muhaajiriin ah oo ay ku jiraan laba carruur ah ay ka soo saareen webiga, dadkaas ayaa iskudayay inay si sharci-darro ah uga tallaabaan xadka Canada oo ay galaan waddanka Mareykanka.
Diyaarad nooca qummaatiga ukaca ah oo ay boolisku leeyihiin ayaa Jimcihii lagu arkay laba mayd oo sabaynaya webiga St Lawrence. Laba qoys oo ka soo kala jeeda Romania iyo Hindiya ayaa kamid ah dadka dhintay.
Saraakiisha ayaa waqtigaas baadigoob ugu jiray doonni aaggaasi lagu waayay oo u watay Casey Oakes, oo 30-jir ah. Ninkaas oo illaa iyo haatan la la’yahay.
Ma ay cadda in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo Mr Oakes iyo qoysaska.
Booliska ayaa sheegay in maydkii koobaad abbaare 17:00 waqtiga maxalliga ah laga helay deegaanka Akwesasne, gaar ahaan webiga mara xadka Mareykanka iyo Canada.
Maydadka kale ayaa iyana laga helay meel aanan halkaasi ka fogayn. Huwiyadda dadka dhintay ayaanay weli shaacin boolisku.
Dadka dhintay waxa ay kala yihiin lix qof oo waa wayn iyo laba carruur ah.
Hal canug ayey da’diisu ka yartahay saddex sanadood waxaana uu haystay baasaboorka Canada. Canugga yar ee kale ayaa isna haystay dhalashada Canada, waxaa sidaasi weriyayaasha shir jaraa’id oo ay Jimcihii qabatay ugu sheegtay mid kamid ah madaxa booliska aaggaasi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maydadka ayaa la rumaysanyahay inay yihiin laba qoys, mid asalkiisu uu yahay Romanian iyo midka kale oo ka soo jeeda Hindiya, Lee-Ann O’Brien, ku xigeenka taliyaha booliska ee Akwesasne, ayaa sidaasi u sheegtay weriyayaasha.
“Dhammaantood waxaa la rumaysanyahay inay iskudayayeen inay si sharci-darro ah uga gudbaan Canada oo ay ku galaan waddanka Mareykanka,” ayey tiri Ms O’Brien. Waxa ay intaasi ku dartay in habeenkii Arbacada ay cimilada aaggaasi aad u xumeyd.
Maydadka ayaa laga helay deegaanka Akwesasne ee gobolka Quebec, halkaas oo ay iska soo galaan gobollada Ontario iyo kan New York. Waxa ay 120km galbeedka ka xigtaa Montreal.
Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in: “Xaaladdani ay tahay mid aan looga walwalo.
“Waa inaynu fahannaa waxa dhacay, sida ay u dhaceen, misana aynu samaynno waxkasta ee aan awoodno si aan u yareyno in markale ay waxan oo kale ay dhacaan.”

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bilihii la soo dhaafay waxaa deegaanno kale laga helay maydad dad isku dayay inay ka tallaabaan xadka Mareykanka iyo Canada.
Bishii Janaayo, booliska Canada ayaa meel baraf uu degay oo ku dhaw deegaanka Manitoba ee xadka Mareykanka iyo Canada waxa uu ka helay maydadka afar qof oo uu ku jiro canug yar. Dadka dhintay ayaa la rumaysanyahay inay yihiin qoys Hindiya u dhashay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mareykanka.
Nin ka soo jeeda deegaanka Montreal ayaa sidoo kale maydkiisa bishii Diseembar laga helay meel u dhaw xadka Mareykanka iyo Canada. Fritznel Richard, oo 44-jir ahaa, ayaa iskudayay inuu ka tallaabo xadka Mareykanka si uu ula midoobo xaaskiisa iyo canugiisa.
Ciidammada xadka Mareykanka ayaa diiwaangeliyay in dad badan ay Canada xadka ka soo galaan.
Bishii Janaayo, ciidammada ilaalada xadka Mareykanka ayaa qabtay 367 qof oo iskudayay inay u kala gudbaan waqooyiga iyo koonfurta – tiradaas oo ka badan dadkii iskudayay inay gudbaan wadarta 12-kii sanadood ee ugu dambeeyay.










