Dhegeyso: Macluumaad muhiim ah oo ku saabsan soonka iyo dadka qaba xanuunnada sida gaaska
Dhegeyso: Macluumaad muhiim ah oo ku saabsan soonka iyo dadka qaba xanuunnada sida gaaska
Xilligan lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa waxaa jira dad badan oo la nool xanuun oo qaarkood aanan awoodin in ay soomaan.
Dadka qaba cudurrada sida sokorta ama macaanka ayaa ka mid ah dadka ay dhaqaatiirta kula taliyaan in aysan soomin haddii ay u arkaan in naftooda ay halis galeyso.
Waxaa sidoo kale jira dad qaba xanuunnada dhiig-karka iyo gaaska oo ay tahay in ay bartaan qaabkii ay ula falgali lahaayeen Soonka iyo tallaabooyinka ay tahay inay qaadaan.
Hadaba si aan arrimahan wax badan uga ogaanno ayaa waxaan ka wareysannay Dr Cusmaan Cali Gaboose oo ah dhaqtar ka howlgala dalka Kenya.


