Mas'uulkii ugu horreeyey Soomaalida Kenya ee xil sare ka qabta hay'adda Caalamiga ah ee Booliska INTERPOL

Xigashada Sawirka, DCI Kenya
Kenya ayaa lagu tilmaamay in gaadhay guul taariikhi ah oo diblomaasiyadeed iyo amni ka dib markii Agaasimaha Dambi-baarista ee dalka (DCI) Maxamed Aamiin loo doortay wakiilka Afrika ee Guddiga Fulinta ee Interpol intii lagu jiray shirweynihii 93aad ee Guud ee ku qabsoomay Marrakech, Morocco.
Doorashada oo dhacday Khamiistii, 27 Noofambar, waxay Kenya ka dhigtay in ay qayb ka ahaato doodaha iyo go'aannada la xiriira booliska caalamka saddexda sano ee soo socda.
Shirweynuhu sidoo kale wuxuu u doortay Mr Lucas Philippe oo Faransiis ah Madaxweynaha Interpol muddo afar sano ah, halka Mr Wang Yong oo Shiine ah uu helay jagada Madaxweyne-ku-xigeenka Aasiya.
Ms Kazumi Ogasawara oo Jabbaan u dhashay iyo Stefano Carvelli oo Talyaani ah ayaa kala helay kuraasta wakiillada Aasiya iyo Yurub.
Afrika waxaa hadda matalaya Mr Aamiin oo Kenyaan ah iyo Issam Fetoui oo Tunisia u dhashay, labadaas oo xilka hayn doona muddo saddex sano ah.
Musharraxnimada Mr Aamiin waxaa si rasmi ah u hor geeyay Shirweynaha Taliyaha Guud ee Booliska, Douglas Kanja, taasoo muujisay midnimo qaran iyo go'aan wadajir ah oo lagu ballaarinayo hoggaaminta Kenya ee booliska caalamka.
Khudbaddii aqbalidda, Mr Aamiin wuxuu muujiyay mahadnaq qoto dheer, isagoo sheegay inay sharaf weyn u tahay.
"Sharaf weyn ayey ii tahay inaan qaado masuuliyaddan anigoo ah Wakiilka Afrika ee Guddiga Fulinta ee Interpol. Kalsoonida aad igu qabtaan waxay ka tarjumaysaa sida Kenya uga go'an tahay la shaqeynta booliska caalamka iyo muhiimadda iskaashiga gobolladeenna," ayuu yiri madaxa DCI-ga.
Waa kuma Aamiin Maxamed Ibraahim ?

Xigashada Sawirka, npsc
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxamed Ibraahin Amiin wuxuu leeyahay in ka badan 30 sano oo khibrad iyo leh iyo waayo-aragnimo ballaaran oo uu ka soo qaatay Adeegga Booliska Qaranka (NPS). Intii uu ku jiray xirfaddiisa, Mr Amiin wuxuu hoggaamiyay baaritaanno adag oo la xiriira argagixisada, dambiyada abaabulan, dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci darrada ah iyo khataro ka gudba xuduudaha dalalka, oo ay ku jiraan dambiyada internet-ka, taasoo u horseedday in lagu aqoonsado heer qaran iyo mid caalami ah.
Waxa uu ku biiray shaqadan sanadkii 1989 isagoo ah Kormeeraha Tababarka, wuxuuna si tartiib tartiib ah ugu dallacay jagooyinka sare, isagoo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin Madaxa Dabagalka iyo Adeegyada Farsamada ee Waaxda Booliska La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Nairobi.
Waxa uu noqday Sarkaalka Baarista Dambiyada ee Gobollada (PCIO) ee saddex gobol intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2009, iyo Madaxa Waaxda Baarista wax-is-dabamarinta Bangiyada (BFIU). Wuxuu sidoo kale soo noqday Agaasimaha Xarunta Qaran ee Kenya u qaabilsan Hubka fusu iyo Hubka Fudud, iyo sidoo kale Agaasimaha Waaxda Arrimaha Gudaha.
Xilka uu haatan hayo, waxa soo maamulay hawlo waaweyn oo ka dhacay Xarunta DCI, oo ay ku jiraan la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo xubnaha jirka, dhoofinta daroogada, ganacsiga tahriibta ah, lacag-dhaqidda, iyo ilaalinta haweenka iyo carruurta.
Hab-dhaqankiisa la dagaallanka dambiyada waxaa lagu tilmaamaa mid xeel dheer, wada-shaqeyn adag oo ka dhexeysa hay'adaha, iyo casriyeyn lagu sameeyo hababka baarista iyada oo la adeegsanayo qalab iyo tiknoolajiyad casri ah oo baaritaanka loo isticmaalo.
Wuxuu haystaa shahaadada Master of Arts ee Cilmiga Dambiyada iyo Daraasadaha Ammaanka, shahaadada Bachelor ee isla isla takhasuskaas oo uu ka qaatay Jaamacadda Egerton, iyo shahaadada Diploma oo ku diyaariyay Daraasadaha Caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi. Sidoo kale waa ka mid ah ardaydii ka qalin jabisay Kulliyadda Difaaca Qaranka ee Kenya.
Abaalmarinnada uu ku qaatay shaqooyinkii uu soo qabtay waxa ka mid ah la billad-sharafta Chief of the Order of the Burning Spear (CBS) iyo Order of the Grand Warrior (OGW).
Ballanqaadyada uu sameeyay
Wuxuu ballanqaaday in uu si hufan ugu adeegi doono Interpol islamarkaana uu u gudan doono waajibaadkaas isaga oo mudnaanta siinaya ilaalinta dadka nugul iyo burburinta shabakadaha dambiyada caalamiga ah.
Doorashada Mr Aamiin kaddib waxa ka horraysay bilo tartan adag ah oo gobolka ka dhacay. Toban dal oo Afrikaan ah ayaa soo gudbiyay musharraxiin u tartamayay kursiga madaxweynaha ama kuraasta wakiillada, taasoo ka dhigtay tan mid ka mid ah tartammadii ugu adkaa ee Interpol ee dhowaanahan dhaca.
Musharraxiin ka socday Nigeria, Koonfur Afrika, Cameroon iyo Tunisia ayaa ku ololaynayay waayo-aragnimadooda fog ee dhinaca booliska.
Guddiga Fulinta ee Interpol waa xarunta ugu muhiimsan ee hoggaaminta hay'adda, oo mas'uul ka ah hagidda istiraatiijiyadda, fulinta go'aamada Shirweynaha Guud, iyo hubinta isku xirnaanta dhammaan 196 waddan ee xubnaha ka ah.
In kursigan ay Kenya heshaa waxay u sahlaysaa waddamada xubnaha ka ah in ay saameyn ku yeeshaan sida loo dejiyo mudnaanta booliska caalamka, isbeddellada iyo sida gobolladu u wada shaqeeyaan.
Maaddaama Afrika ay la tacaaleyso argagixiso, dambiyada la xiriira tahriibka, khiyaanooyinka internet-ka, ganacsiga sharci darrada ah ee duur-joogta iyo dambiyada maaliyadeed.










