Dhegeyso: Tirada Somaliland ay ka heshay qoondada Xajka Soomaaliya iyo qiimaha oo la kordhiyay

Dhegeyso: Tirada Somaliland ay ka heshay qoondada Xajka Soomaaliya iyo qiimaha oo la kordhiyay

Jamhuuriyadda Iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa ka heshay labo kun oo xujay ah qoondada Xujayda sannadkan ee Soomaaliya loo qorsheeyey oo gaadhaysa 11,000 oo xujay ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa qoondada soo marisa dowladda federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Awqaafta, markaasi oo iyana ay sii qaybiso.

Sheekh Mohamed Khadar Jaamac, oo ah maamulaha xarun ka shaqaysa addeegyada Xajka iyo Cumrada ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in qiimaha lagu xajinayo sannadkan 2025-ka la kordhiyey, marka loo eego sannadkii hore, taas oo uu sheegay inay culays ku tahay dadka xujayda ah.

Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga: