Putin iyo madaxweynaha Shiinaha oo ka wada hadlaya dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyaha dalka Shiinaha Xi Jinping iyo madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ka wadahadli doona dagaalka Ukraine iyo "arrimo kale oo caalami ah iyo xaaladaha gobolka" iyagoo toddobaadkan yeelan doono kulan, sida uu ku warramay Aqalka looga arrimiyo Ruushka Kremlin-ka.
Labada madaxweyne ayaa ku kulmi doona waddanka Uzbekistan, kulan-madaxeed lagu muujin doono "in la helay isbeddel" ka dhan ah Reer Galbeedka, ayuu yiri Kremlin-ka.
Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa maanta oo Arbaco ah safarkiisii ugu horreeyay ku tegayaa dalalka dibadda tan iyo markii uu dunida saameeyay cudurka Covid-19.
Wuxuu raadinayaa in markii saddexaad xilka loo soo doorto, halka xiriirka Putin iyo Reer Galbeedka uu sii xumaaday wixii ka dambeeyayduullaanka uu ku qaaday Ukraine.
Xi Jinping, wuxuu booqashadiisa ka billaabay dalka Kazakhstan, isagoo caasimadda dalkaas Nursultan ka degay Arbacadii. Kaddib wuxuu la kulmi doonaa Putin Khamiista shirweynaha Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) ee Samarkand, kaasoo socon doona inta u dhaxaysa 15 - 16 Sebtember.
Putin waxa kale oo uu la kulmi doonaa madax kale oo ay ka mid yihiin kuwa dalalka Hindiya, Pakistan, Turkiga iyo Iran - laakiin kulanka uu la yeelanayo hoggaamiyaha Shiinaha "waa mid muhiimad gaar ah leh," ayuu yiri afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee Kremlin-ka, Yuri Ushakov.
Waxa uu sheegay in shir-madaxeedka ka dhacaya Kazakhstan uu yahay "mid gebi ahaanba kasoo horjeeda in isbeddel siyaasadeed la sameeyo".
Shiinaha iyo Ruushka ayaa muddo dheer raadinayay inay isla meel dhigaan hay'adda iskaashiga dhaqaalaha ee SCO, oo la aasaasay 2001-dii. Waxaa xubin ka ah afar waddan oo ku yaalla bartamaha Asia, kuwaas oo uu horay u guumeystay Midowgii Soofiyeeti si ay uga maarmaan ururada Reer Galbeedka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Booqashada Xi ayaa kusoo beegmeysa xilli Shiinaha uu ku dhawaaqay xayiraado hor leh oo looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Covid, taasoo qeyb ka ah tallaabooyinka uu ku ciribtirayo cudurka, inkasta oo adduunka intiisa kale uu isku furmay, isla markaana lala qabsaday sida loola noolaan karo feyraska. Dowladda Shiinaha waxay sii waddaa dadaallada ay ku xireyso dhammaan magaalooyinka iyo gobollada mar kasta oo ay dhacaan xaalado noocan ah.
Madaxweynaha Shiinaha wuxuu safarkiisii ugu dambeeyay galay bishii Janaayo ee sanadkii 2020-ka xilli uu booqday dalka Myanmar-maalmo ka hor intii aan xayiraadda ka hortagga Covid laga dhaqangelin magaalada Wuhan. Waxa uu ku sugnaa Shiinaha tan iyo xilliggaas. Hal mar oo keliya ayuu ka tagay dhulweynaha Shiinaha bishii Luulyo ee sanadkan isagoo booqday Hong Kong.
Dhinaca kale, Vladamir Putin, wuxuu galayaa booqasho naadir ah marka laga reebo booqashadii uu bishii Luulyo ku tagay dalka Iran, halkaas oo uu kula kulmay madaxda Iran iyo madaxweynaha Turkiga tan iyo markii uu Ruushka ku duulay Ukraine.
Kulankan ayaa ah kii labaad ee ay yeeshaan labada hoggaamiye sanadkan - waxa ay ku kulmeen ciyaarihii Olombikada Jiilaalka ee Beijing ka dhacay bishii Febaraayo.
Kaddib kulankii Febaraayo, labada hoggaamiye ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen in iskaashiga labada uu yahay mid xooggan.
Maalmo kaddib markii uu Ruushku galay Ukraine - Shiinuha ma uusan cambaareyn tallaabadaas, kamana uusan hadlin in uu taageerayo Ruushka iyo in kale.
Xukuumadda Beijing, waxay sheegtay in labada dhinacba ay eedda leeyihiin. Shiinaha wax cunaqabateyn ah kuma uusan soo rogin Ruushka, waxaana sii xoogeysanayay xiriirka ganacsi ee ka dhexeeyo labada dal.
Waxaa sare u kacay xaddiga shidaalka ay Hindiya iyo Shiinaha kasoo dhoofsadaan Ruushka tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine.
Shiinaha wuxuu sidoo kale garwaaqsaday heerka uu taagan yahay xiriirka uu la leeyahay Reer Galbeedka iyo gaar ahaan Mareykanka bilihii la soo dhaafay, kaddib xiisadda ka dhalatay Taiwan. Shiinaha ayaa ku andacoonaya in jasiiraddaas ay ka tirsan tahay dhulkiisa.
Bishii la soo dhaafay, Beijing ayaa muddo shan maalin ah dhoollatus militeri ka sameysay jasiiradda, iyada oo ka jawaabeysay booqashada afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi ee halkaas.
Dadka la socda arrimaha Shiinaha ayaa sheegay in go'aanka Xi uu uga safrayo Shiinaha in ka badan labo sano kaddib, uu u muuqdo in caqabado waaweyn ay kasoo wajaheen gudaha dalkiisa - gaar ahaan xayiraadaha curyaamiyay dhaqaalaha.
Falanqeeyeyaasha siyaasadda Shiinaha ayaa sheegay inay filayaan in mar saddexaad lagu soo doorto Shirweynaha Xisbiga Shuuciga Shiinaha, kaas oo kulan yeelanaya bisha Oktoobar.














