Garaadada Sool oo ka hadlay ‘qabsashada Goojacadde' iyo waxay ka yeelayaan 'maxaabiis laga qabtay’ Somaliland'.
Madaxda dhaqanka ee Laascaanood ayaa BBC u sheegay in ay gacanta ku dhigeen xerada milateriga Somaliland ee Goojacadde ee magaalada laascaanood. Sheegashada qabsashada Goojacadde ayaa timid ka dib markii dagaal aad u culus uu saaka dhex maray ciidanka beelaha deegaanka iyo kuwa Somaliland. Goojacadde waxay ahayd xerada ciidan ee ugu weyn ee Somaliland ku leedahay Sool.
Maamulka Somaliland oo aan isku daynay in aan wax ka weydiinno qabsashada Goojacadde ayeysan noo suurto gelin. Odeyaasha dhaqanka waxay kaloo sheegteen in ciidankoodu qabsadeen Maraaga oo ah bar koontarool oo muhiim u ah Somaliland, 8 Km-na u jirta magaalada Laascaanood. Hore waxay Somaliland u beenisay eedo la xiriira xadgudubyo oo ay ujeediyeen madaxda dhaqanka ee deegaankaas. Arrimahaas waxay BBC ka waraysatay Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo ah afhayeenka garaaddada, wuxuuna u warramay Faarax Lamaane.