Wareysi: Sababta guddoomiyehii 2 sano u kordhiyay dowladdiisa ku diidayo muddo kordhinta Laftagareen

Wareysi: Sababta guddoomiyehii 2 sano u kordhiyay dowladdiisa ku diidayo muddo kordhinta Laftagareen

Waxaa xoogeysanaya khilaafka ka taagan xilliga uu ku eg yahay muddo xileedka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha mucaaradka deegaankaas oo ay hoggaaminayaan guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka federaalka ayaa ku doodaya in sanadkii dheeraadka ahaa ee madaxweynaha hadda xilka haya uu ku eg yahay dhammaadka bishan.

Se, xubnaha kale ee dowladda madaxweyne Laftagareen ayaa ku doodaya in muddo xileedkoodu ku ekaanayo dhammaadka sanadka dambe, iyaga oo soo xiganaya heshiiska uusan baarlamaanka ansixin ee mideynayay doorashooyinka xeer federaal iyo heer gobolka.

Haddaba, tifaftiraha BBCSomali Muxyadiin Rooble ayaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan weydiiyay sababta uu ku diidan yahay muddo kordhin la mid ah tii uu sameeyay xilligii dowladdii Farmaajo.