You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Horay u cune gadaal uma cuno" Shariif Xasan oo farriin u diray madaxweyne Laftagareen
Siyaasiyiin ka socda maamul goboleedka Koofur Galbeed oo beryahan kulan ku lahaa magaalada Nayroobi ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku dhaliilay maamulka Koofur Galbeed in sida uu dhigayo heshiiskii 4 Febraayo uusan u fulin sidii lagu heshiiyey.
Waxaa kaloo war saxaafadeedka ku jiray baaq ay u direen dawladda federaalka oo ay uga dalbanayaan in ay arrinta soo farageliso, si xulista xildhibaannada baarlamaanka koofur galbeed ay u bilaabato 1da November oo ay naga xigto qiyaastii bil iyo bar.
Arrimahaas iyo aragtida ay ka qabaan go'aanka madasha wadatashiga ay min halka sano ugu kordhisay maamul goboleedyada ayuu madaxweynihii hore ee maamul goboleedkaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan uga warramay Muxyadiin Axmed Rooble.