Madal qabata Shukaansiga muslimiinta oo ku guul darreysatay dacwad ay la gashay mid kale

Xigashada Sawirka, MUZZ
Madasha shukaansiga Muslimiinta ee internet-ka ayaa loo sheegay inay magaceeda beddesho maadaama ay shabbahdo magaca Match.com ka dib markii ay ku guul darreysatay racfaan ay ka qaadatay dacwadan.
Maxkamadda Racfaanka waxay taageertay go'aankii Juun 2022 ee ahaa in macmiilka caadiga ahi uu isku qaldi karo labada magac isaga oo u maleynaya in Muzmatch - oo hadda Muzz la yiraah ay tahay Match Group, oo sidoo kale iskaleh abka kale ee Tinder.
Muzz ayaa dhaleecaysay xukunka iyaga oo ku tilmaamay tallaabadan sharciga ah in ay "aad uga walaacsan yihiin ganacsiyada kale ee bilawga ah ee waaxda shukaansiga internet-ka".
Kooxda Match Group ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in maxkamada ay go’aan ka gaarto.
Af-hayeen u hadlay ayaa BBC-da u sheegay: "Waxaan had iyo jeer ognahay in Muzmatch ay si aan cadaalad ahayn uga faa'iidaysanaysay sumcaddayada iyo maalgashiga shirkaddayada oo ay si xaq darro ah ugu duushay baalasha Match Group si ay u faa'iiddo.
"Waxaan sii wadi doonnaa ilaalinta shaqada iyo hal-abuurka shaqaalaheenna annaga oo sii wadi doonna in aan xirirri micno leh u sameynno dhammaan gashaantimaha iyo doobabka, meel walba iyo dhaqan walba oo ay kasoo jeedaan, adduunka oo dhan."
Maxkamaddu ma aysan wax dhibaato ah u arkin xukunka garsoorahi hore ee ah in ay jirto " suurtagalnimada jahawareer ka dhashay isticmaalka Muzmatch ee ereyada muhiimka ah ee SEO oo uu ku jiro ereyga 'match', ".
SEO (mashiinta kor u qaadidda raadinta) waa nidaam kaa caawinaya in uu kor soo maro marka magaca shirkaddaada internet-ka laga raadiyo taas oo marka aad eraya caan ah adeegsato uu Google-ku kuusoo hor marinayo.
Isagoo dhaleeceynaya go'aanka, aasaasaha Muzz iyo madaxa fulinta ee abkan, Shahzad Younas ayaa u sheegay BBC-da tallaabada sharciga ah inay tahay "xeelad" kooxda Match Group ay adeegsatay si ay "u ilaashadaan booskooda hogaaminta ganacsigan ee aduunka oo dhan".
"Ka waran in aad dhab ahaantii hal-abuurto oo aad dhisto wax soo saar wanaagsan, intii aad isticmaali lahayd xeeladaha caajisnimada iyo ugaadhsiga ah ee ka dhanka ah kuwa kula tartamaya?" ayuu yiri.
'Isbeddel yar'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Abka Muzz waxa laga bilaabay UK sannadkii 2015 isaga oo wata magaca Muzmatch, waana abb shukaansi oo si gaar ah loogu talagalay Muslimiinta.
Mr Younas waxa uu sheegay in Match Group ay isku dayeen in ay iibsadaan meheraddan afar jeer oo kala duwan, oo ay ku jirto in ay soo bandhigeen lacag dhan £28m ($35m), oo uu sheegay in uu diiday.
Afhayeen u hadlay kooxda Match Group ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka faalloon karin isku darka iyo iibsashada, laakiin waxa uu sheegay in qaybtan ganacsigooda "ma saameynayso go'aannadayada aan ku ilaalinayno hantideena halabuur iyo sumcadda ganacsiga sinaba".
Tan iyo markaas, wuxuu sheegay in kiisku uu ku kacay Muzz "ku dhawaad $2m oo ah khidmadaha sharciga iyo magdhowga".
"Tani isbeddel yar ayey la tahay shirkadaha balaayiinta doolar ku fadhiya sida Match Group, si kastaba ha ahaatee, laakiin shirkadaha bilowga ah sidayada oo kale waxay u tahay raasamaal shaqo oo qaali," ayuu yidhi.
"Waxaa noo cad in kooxda Match ay sameyn doonto wax walba oo ay awoodaan si ay noo dilaan iyadoo ujeedadu tahay inay sii wataan kalitalistooda suuqa shukaansiga caalamiga ah ee u xiran."
Hogaaminta shukaansiga caalamka
Kooxda Match ayaa leh qaar badan oo ka mid ah barnaamijyada shukaansiga ee maanta la isticmaalo, oo ay ku jiraan OkCupid, Hinge iyo Plenty Of Fish.
Waxay ku biirtay Tinder iyada oo ku kacaysa qiime gaaraya qiyaastii $ 3bilyan oo doolar sanadkii 2017, taasoo horseedday tallaabo sharci ah oo ku saabsan qiimeynta shirkadda ee aasaasayaasha Tinder.
Aasaasayaasha abka shukaansiga waxay rumaysnaayeen isku-dhafka Tinder in uu qiimo hooseeyo. Kooxda Match Group waxay ogolaatay inay kiiska ku xaliyaan $441oo milyan sannadkii 2021.
Kooxda Match ayaa markii dambe isku dayday inay hesho Bumble, ab shukaansi halkaas oo haweenku "iyagu talaabada hore qaadayaan" ama shukaansiga ay bilaabayaan, laakiin ku guuldareystay dalabkeedii.
Waxay heshay adeegga shukaansiga Muslimiinta, Harmonica oo ay u bixisay Hawaya. Adeeggu wuxuu xirmay Febraayo 2023.















