Xiisadda Turkiga iyo Giriigga: Maxaa dhex maray diyaaradaha dagaalka ee labada dal?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalalka Turkiga iyo Giriigga, oo xiriirkooda uu sii xumaanayay tan iyo horaantii sanadkan 2022-ka, ayay hadda xiisad hor leh kasoo dhex cusboonaatay kaddib markii isbuucii lasoo dhaafay lasoo tebiyay dhacdooyin ay ku lug lahaayeen diyaaradaha dagaalka ee labada waddan.
Marinta hawada ee Aegean ee dhinaca bari ka xiga Mediterranean ayay isaga hor imaadeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga iyo qalabka difaaca hawada ee Giriigga.
Turkiga ayaa ku eedeeyay Giriigga in ay dhibaateeyeen diyaaradihiisa F-16-ka, iyagoo u adeegsaday qalabka difaaca hawada ee S-300, ee ku rakiban jasiiradda Crete.
Balse Giriigga ayaa beeniyay eedeymahaas, waxa uuna Turkiga ku eedeeyay in diyaaradiha dagaalka uu usoo diray hawada Giriigga iyagoo aan lasoo wargelin, sidaas awgeedna ay kusoo xad gudbeen hawadooda.
Waxaa laga cabsi qabaa in doorashooyin kusoo socda Turkiga iyo Giriigga iyo xasilooni darro siyaasadeed oo gudaha ah ay sii xoojiyaan xiisadda u dhaxeysa labada waddan.
Bartamihii 2020-kii, xiriirka Turkiga iyo Giriigga ayaa meel aad u xun gaaray kaddib markii ay saameysay xiisadda Bariga Badda Mediterranean-ka, halkaasoo lahaanshaha jasiirado ku yaalla aaggaas ay labada waddan ee deriska ah ku muransan yihiin.
Xilligaas waxaa xiisadda qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqyo militeri. Balse xaaladda ayaa soo fiicnaatay billowgii 2021-kii, kaddib markii ay arrinta soo dhex galeen Garmalka iyo NATO.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booqashooyin ay is weydaarsadeen wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo Giriigga iyo kulan uu Raysul Wasaaraha Giriigga, Kyriakos Mitsotakis, magaalada Istanbul kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, 13-kii March 13, 2022, ayaa rajo fiican usii yeelay in xiisadda ay degto.
Tallaabadii uu Turkiga ka carooday
Hase yeeshee, waxay xaaladdu faraha ka baxday kaddib markii Raysul Wasaare Mitsotakis oo bishii May booqday Mareyknaka uu Golaha Wakiillada ee Congress-ka ka codsaday in aysan oggolaan in uu Mareykanka ka iibiyo Turkiga 40 diyaaradaha dagaalka ah ee noocoodu yahay F-16.
Xukuumadda Ankara ayaa si aad ah uga carootay hadalka Raysul Wasaaraha Giriigga, waxaana markaas dib u soo cusboonaatay xiisadda u dhaxeysa labada waddan.
Madaxweyne Erdoğan ayaa xilligaas fal celintiisa ku muujiyay hadal uu u adeegsaday erayo uu micnahoodu ahaa “Mar dambe Mitsotakis la igama maqli doono”, waxa uuna sheegay in uu baajiyay kulan heer sare ahaa oo uu la yeelan rabay Giriigga sanadkan 2022-ka gudihiisa.

Xigashada Sawirka, TWITTER@TCBESTEPE
Marka ay xaaladdu sidaas noqotay, waxaa dhanka kale dib usoo cusboonaaday xiisadaha hawada Aegean iyo Bariga Badda Mediterranean-ka.
Turkiga ayaa sheegay in Giriigga uu hub geeyay jasiirado ay ahayd in ay hubka ka caagganaadaan, sida lagu saxiixay heshiisyadii Lausanne iyo Paris, taasoo waddada u xaareysay in lahaanshaha jasiiradahaas laga wada hadlo.
Giriigga ayaa dhankiisa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay ku duulayeen hawada jasiiradahaas, ayna boqollaal jeer ku xad gudbeen hawada Giriigga.
War saxaafadeed ay dhawaan soo saartay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayay ku muujisay in xiisaddu ay hadda taagan tahay meel ka halis badan sidii hore.










