Dhegeyso: Somaliland oo ka digeysa roobab xoog leh oo fatahaad sababi kara, meelahee laga cabsi qabaa
Dhegeyso: Somaliland oo ka digeysa roobab xoog leh oo fatahaad sababi kara, meelahee laga cabsi qabaa
Somaliland ayaa dadka uga digtay khatar ka imaan karta roobab waaweyn oo la saadaalinayo in ay ka da'aan maalmaha soo socda Gobollada Somaliland.
Roobabkii u dambeeyey ee dhawaan da'ay ayaa habeen hore sababay dhimashada afar qof oo ku dhontay magaalada Magaalada Hargeysa.
Wasaaradda Beeraha ayaa soo saartay warbixin la xidhiidha Saadaasha Roobabka ee toddobaadkan, iyada oo tilmaantay in xaddiga roobabkaas uu badan yahay oo fatahaadi ay ka dhalan karto.
Weriye Saleebaan Saxansaxo ayaa warbixintan Hargeysa ka soo diray.


