Calaamadaha lagu garto kansarka maqaarka

Kansarka Jirka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa la tilmaamayaa in waxyeello ay unugyada maqaarka ka soo gaari karaan in si xad dhaaf ah ay fallaaraha qorraxdu jirka ugu dhacaan, taas oo noqon karta sababta ugu weyn ee kansarka maqaarka, cudurkaas oo ah mid sannadkasta ku dhaca kumannaan qof oo reer Brazil ah.

Inaad wax ka ogaatid sida loo garto calaamadaha suurtagalka ah ee noocyada kala duwan ee kansarka maqaarka - iyo sidaad naftaada uga ilaalin lahayd cudurkana – ayaa arrin muhiim ah ka ah gudaha waddanka Brazil, halkaasoo falaaraha ka soo baxa qoraxda la sheegay inay gaarayaan heerka 11-aad, kaas oo lagu tilmaamo inuu yahay mid aad u sarreeya, lagana qaadi karo khatar weyn oo kansarka maqaarka ah.

Kansarka maqaarka ee noocyada (Melanoma) iyo (non-Melanoma) ayaa loo tiriyaa in Brazil uu ka yahay 34% dadka xanuunkaas uu ku dhaco, iyadoo qiyaastii 193,000 oo xaaladood oo xanuunkan ah halkaas sannadkiiba lagu diiwaangeliyo, sida uu daabacay Machadka Kansarka Qaranka (INCA).

In xilli hore la ogaado xanuunkan, gaar ahaan kiisaska nooca (Melanoma) ee aadka u faafa ayaa horseedi kara fursad wayn oo lagula tacaalo.

Calaamadaha guud ee lagu garto kansarka maqaarka

Kansarka maqaarka ee ah non-melanoma ayaa inta u dhaxaysa 2003 iyo 2025 waxaa la qiyaasay inuu noqon doono kan ugu badan ee ka jira Brazil, isagoo u dhigma 31.3%, sida uu sheegay machadka INCA.

Laba nooc ayaana loo kala saaraa, oo mid waa aad buu u badan yahay laakiin cadiyan kobaciisu wuu yaryahay, waxaana lagu tilmaamaa sida dhibco dhibco maaruun ah oo ka soo baxo wajiga, qoorta iyo qalfoofka madaxa, afka horana waxay ku leeyihiin gumuc casaan ah oo si fudud uu dhiig uga iman karo.

Nooca kale waa mid ku badan ragga, aad ayuuna u koraa, waana sida nabar yar oo si degdeg ah ku koraya oo ay adag tahay inuu ku boqsoodo xitaa afar todobaad markii uu soo baxo kaddib, midabkiisuna waa casaan, kor u soo baxa oo cuncun leh.

"Labada noocba waxay la xiriiraan in ilayska qoraxda uu jirka soo gaaro waxaana loogaga hortagi karaa in qoraxda la iska dado iyo in dhakhtiirta maqaarka si joogta ah uu qofka u arko, sababtoo ah waxaa muhiim in kansarka lagu ogaado marxaladihiisa bilowga ah", ayey tiri Sheila Ferreira, oo ku takhasusay kansarka kana tirsan isbitaalka Hospital AC Camargo Cancer Center.

Sida ay sheegayaan khubarada, kansarka maqaarka ee nooca loo yaqaan melanoma, inkasta oo loo arko inuu hooseeyo - laguna qiyaaso in 8,450 oo xaaladood oo cusub sannadkiiba lagu arko Brazil, taas oo u dhiganta qiyaastii 3% kansarka maqaarka – ayaa haddana waxa uu yahay kan ugu daran ee u baahan in aad loogaga feejignaado.

Nooca Melanoma ee kansarka maqaarka ayaa sidoo kale lala xiriiriyaa jirka oo ay qorraxdu ku dhacdo iyadoo ay suuragal tahay in kansarka uu ku faafo unugyada kale ee jirka.

Badanaana kiisaska noocan ah waxa ay ku bilowdaan nabar madow oo jirka ka soo baxa kaas oo marka dambe isbadela.

“Nooca Melanomas ayaa badanaa lagu arkaa dhabar ragga halka haweenkana uu lugaha kaga soo baxo. Bukaannada asalkoodu uu ka soo jeedo dadka madow iyo Aasiya ayaa badanaa uu uga soo baxaa gacmaha iyo cagaha lugaha,” ayey tiri Bethania Cavalli.

Halista uu leeyahay kansarka maqaarka

Kansarka maqaarka

Xigashada Sawirka, INSIDE CREATIVE HOUSE/GETTY IMAGES

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxyaabaha sababa kansarka maqaarka

Khatarta ugu weyn ee kansarka maqaarka waxay ka timaaddaa qorraxda.

Iftiinka qorraxda, ayaa sida uu sharraxayo Cavalli, wuxuu waxyeello toos ah u geystaa hiddo-sidaha DNA.

"Marka laga soo tago fallaaraha cadceedda, taariikhda qoyska iyo in qofku uu leeyahay finan badan ayaa sidoo kale sababi kara kansarka. Dadka lagu tallaalay xubno kale ayaa laga yaabaa inay khatar sare ugu jiraan cudurkan, maaddaama ay isticmaalaan daowoyin la falgala difaaca jirka)."

Sidee lagu ogaadaa kansarka maqaarka?

Qofka ayaa la socon kara waxa ku soo kordha jirkiisa, taasoo noo saamixi karta inaan ogaanno isbeddellada aan hore u jirin ee nagu dhaca.

"Maanta waxaan heysannaa qalab lagu magacaabo dermatoscope oo noo oggolaaneysa inaan qiimeyno finanka. Haddii shaki uu naga galo, weli waxaan heysannaa baaritaan kale oo lagu magacaabo confocal microscopy, oo suurtogelineysa inaan ka qaadno raajo."

Dhaqtarka ayaa sidoo kale sheegay inay jirto khidad kale oo lagu qiimeeyo finanka jirka si gaar gaar ah, iyadoo lala soconayo isbeddellada ku imaanaya.

"Baaritaankan waa mid aad waxtar ugu leh bukaannada leh finan badan."

Noocyada daaweyn ee loo heli karo kansarka maqaarka.

Markii kansarka la ogaado marxaladda hore, dhaqtar si gaar ah ugu takhasusay xanuunkan ayaa qofka ku sameynaya qalliin.

Haddii cudurku uu marayo xaalad halis ah

Haddii xanuunku uu marayo xaalad khatar ah, dhaqtarka ayaa sheegay in la adeegsna karo daaweyn kale.

Kiisas badan oo noocyada kansarka maqaarka ah, daaweyn la fal galeysa difaaca jirka ayaa qofka lagu sameeyaa si dawadaas ay ula dagaallanto unugyada kansarka.