Dhegeyso: Canada oo ugaarsaneysa soo-galootiga ay Soomaalidu ka mid tahay ee Mareykanka kasoo gudbaya
Dhegeyso: Canada oo ugaarsaneysa soo-galootiga ay Soomaalidu ka mid tahay ee Mareykanka kasoo gudbaya
Dowladda Canada ayaa sheegtay inay awood dhaqaale iyo mid ciidanba ku bixinayso xadka kala qaybiyo Maraykanka iyo Canada, si loo xakameeyo soo galootiga isaga kala gudbaya labada waddan.
Arrintaan waxay kusoo aadaysaa iyadoo dhowr jeer madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu dowladda Canada ku eedeeyay in aysan awood saarin xakameynta dadka soo galootiga ah.
Hadaba sidee dowladda Canada u doonaysaa inay u adkayso xudduuddeeda, sideese arrintaan u saamaynaysaa soo galootiga gaar ahaan Soomaalida laga yaabo inay rajo ka qabeeen inay Maraykanka uga gudbaan Canada.?
Su'aalahaan iyo kuwa kale ayaa wuxuu weriye Durraan Xassan Yare wuxuu waydiiyay Cali Cabdulle Odawaa oo ka faallooda arrimaha Canada iyo Maraykanka kuna sugan magaalada Edmonton.


