Jarmalka: Nin Islaamka neceb oo lagu qaaday weerar mindi loo adeegsaday

Xigashada Sawirka, EPA
Nin ayaa mindi ku weeraray lix qof oo uu ku jiro askari boolis ah. Dhacdada ayaa waxay ka dhacday goob suuq ah oo ku taal magaalada Mannheim ee koonfur-galbeed ee Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen.
Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa nin u dhaq dhaqaaqa Islaam naceybka, oo la yirahdo Michael Stürzenberger, kaas oo isku diyaarinayay inuu isu soo bax ku qabto meel fagaare ah, sida ay sheegeen kooxdiisu.
Xilliga dhacdadan ay dhacaysay ayaa waxaa si toos ah looga daawanayay barta Youtube-ka, waxaana la soo bandhigay ninka weerarka geystay oo tooriyeeynaya nin, ka dibna askari boolis ah oo gurmad u tagay. Sarkaalka ayaa xaaladiisa caafimaad ay aad u liidataa.
Ninka weerarka geystay ayaa waxaa toogtay askari kale oo booliis ah.
Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku tilmaamay dhacdada mid “mid xun”, iyo in qalbigiisu uu jiro dhibanayaasha.
Waxa uu barta X ku qoray: "Rabshadu gabi ahaanba waa wax aan laga aqbali karin dimoqraadiyadeena. Waa in si adag loo ciqaabaa dambiilaha.”
Booliska Mannheim ayaa sidoo kale bartooda X ku soo qoray in "howlgal weyn oo booliiska fuliyay" ka dhacay fagaaraha suuqa magaalada waxaana goobta loo diray helikobter samatabbixin ah.
Hal qof ayaa dhowr qof oo kale ku weeraray mindi, isaga oo sidoo kalana dhaawacay askari boolis ah abaare 11:35. Booliska ayaa sidaasi ku yiri uu soo saaray.
Weerarkan ayaa la fahamsan yahay inuu dhacay isla markii uu dhacay isu soo bax ka dhacay fagaaraha suuqa oo uu soo qaban qaabiyay dhaqdhaqaaqaha midigta fog ee ka soo horjeeda Islaamka, ee Michael Stürzenberger, iyo ururkiisa dhaqdhaqaaqa ee Citizens' Movement Pax Europa (BPE).

Afhayeen u hadlay magaalada Mannheim ayaa xaqiijiyay in ururku uu diiwaan galiyay dhacdo ka dhacday fagaaraha suuqa subaxnimadii Jimcaha.
Ururka BPE ayaa wargeyska Bild u xaqiijisay in Mr Stürzenberger uu dhaawac ka soo gaaray lugta iyo wejiga.
Saaxiibkiis Stefanie Kizina ayaa u sheegay wargeyska in Mr Stürzenberger ay tahay in qaliin lagu sameeyo, balse noloshiisa aysan halis ku jirin.
"Weerarku wuxuu dhacay ka hor inta aysan billaaban munaasabadda, oo si wanaagsan loo sii qorsheeyay," ayay tiri.
Booliska ayaan wax war ah oo dheeri ah ka soo saarin dadka ku dhaawacmay weerarka.
Wargeys maxalli ah oo lagu magacaabo Mannheimer Morgen ayaa soo wariyay in qofka weerarka geystay uu dhaawacay lix qof oo ay ku jiraan shan xubnood oo ka tirsan BPE-da iyo hal askari oo booliis ah.
Sida laga soo xigtay DPA, sarkaalka booliska ah ayaa ku jiray xaalad halis ah oo ay tahay in lagu sameeyo qalliin degdeg ah.

Xigashada Sawirka, DPA via AP
Muuqaal toos ah oo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya nin mindi ku weeraraya dadka. Ugu yaraan hal qof ayaa la arkayay isagoo lugta dhaawac ka ah.
Tiro dad ah oo goobta ka agdhawaa ayaa la arkayay iyagoo la tacaalaya ninka weerarka geystay,kaasoo markii dambe ku guuleystay in uu dhabarka ka tooriyeeyo askari ka tirsan booliska.
Dhowr askari oo hub sita ayaa markaas hareereeyay, ka hor inta uusan dhulka ku dhicin.
Booliska ma aysan shaacinin shaqsiga laga shakisan yahay, balse warbaahinta Jarmalka ayaa sheegtay in uu yahay nin 25 jir ah oo ku dhashay Afganistan balse ku nool dalka Jarmalka.
Inkastoo aan la xaqiijin sababta keentay, haddana wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka Nancy Faeser ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in weerarku uu yahay mid Islaami ah.
Waa kuma Michael Stürzenberger?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay Bild, Michael Stürzenberger waa qoraaga bog lagu daabaco Islaam nacaybka, sidoo kale waxa uu xubin ka yahay ururka BPE, oo ah hay'ad sheegtay inay ka soo horjeedo "Islaamnimada" Jarmalka.
58-jirkan ayaa ka mid ah qorayaasha barnaamijka PI-News ee ka soo horjeeda muslimiinta, waxaana isha ku haya laanta sirdoonka gudaha ee Bavarian.
Siyaasi hore, Mr Stürzenberger ayaa mar hogaamiyay xisbi yar oo garabka midig ah oo la yirahdo populist Die Freiheit, kaas oo la kala diray 2016.
Intaa ka hor, waxa uu xubin ka ahaa Christian Social Union (CSU) – oo ah xisbiga walaalaha Bavaria ee Christian Democratic Union (CDU) –ka hor inta aan meesha laga saarin.













