Raysal wasaaraha Denmark oo lagu weeraray waddo ku taal magaalada Copenhagen

Xigashada Sawirka, Reuters
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Denmark ayaa sheegay in ay "naxsan tahay" kadib markii Ra'iisul Wasaare Mette Frederiksen lagu weeraray waddo ku taal magaalada caasimadda ah ee Copenhagen.
Weerarka ayaa ka dhacay fagaare ku yaalla bartamaha magaalada. Nin ka soo hor baxay ayaa bartilmaansaday.
Ninka weerarka geystay ayaa la xiray. Madaxa guddiga Yurub Ursula van der Leyen ayaa weerarka ku tilmaantay 'fal fool xun' waxayna sheegtay in uu ka soo horjeedo wax walba oo aan aaminsanahay oo aan u dagaalanno Yurub.
Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, isagoo aan bixin faah-faahin dheeri ah: 'Raysal wasaare Mette Frederiksen ayaa fiidnimadii jimcaha lagu weeraray magaalada Copenhagen, waxaana gaystay nin markii dambe la xiray.
Booliska Denmark ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin ay sheegeen in ay baaritaan ku hayaan, balse waa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ninkaasi.
Laba goob jooge, oo la kala yirahdo Mary Adrian iyo Anna Raven, ayaa u sheegay wargeyska maxaliga ah ee BT inay arkayeen weerarka.
Labadan dumar ayaa waxay u sheegeen wargeyska: 'Nin ayaa ka yimid dhanka kale, wuxuuna aad uga riixay garabka, taasoo keentay inay dhinac u dhacdo'.
Waxa ay sheegeen in inkasta oo aad ‘loo tiqaan-tiqayay haddana Ra’iisul Wasaaruhu aysan dhulka ku dhicin.
Labada goob-jooge ayaa intaa ku daray in intaas ka dib ay fariisatay meel lagu qaxweeyo.
Weerarkan ayaa dhacay laba maalmood ka hor codbixinta doorashada Midowga Yurub ee Denmark.
Sida lagu sheegay warbixinta Danmark ee TV2, Ms Frederiksen, oo ah hogaamiyaha xisbiga Social Democratic ee Denmark, ayaa mar hore ka qayb gashay xaflad doorasho oo Yurub ah iyada iyo murashaxa ugu wayn xisbigeeda, Kristal Schaldemos.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xisbiga Social Democratic ayaa ah xisbiga ugu weyn dowlada wadaaga ah ee Denmark. Wali waa uu ku horeeyaa doorashada, balse taageeradiisa ayaa aad hoos ugu dhacday bilihii lasoo dhaafay.
Wasiirka deegaanka ee Denmark Magnus Huneck ayaa bartiisa bulshada ee X (oo hore u ahaan jirtay Twitter) ku yiri: “Caadiyan aad baan uga naxay weerarka Mette. Wayna gilgishay dhammaanteen gaar ahaa kuwa u dhow.
Wuxuu intaas ku daray: 'Wax sidan oo kale ah waa inaysan ka dhicin waddankeenna quruxda badan, ammaanka iyo xorta ah. Waa mas’uuliyad na saaran dhammaanteen in aan is daryeelno oo aan ilaalino qiyamka uu dalkeenu ku dhisan yahay”.
Madaxa Midowga Yurub Charles Michel ayaa ku qoray X in uu ka carooday weerarka.
“Waxaan aad u cambaareynayaa falkan gardarada ah ee fulaynimada ah,” ayuu yiri.
Weerarkan ayaa imaanaya wax ka yar hal bil kadib markii la toogtay ra'iisul wasaaraha Slovakia Robert Fico. Robert Fico ayaa la toogtay xilli uu salaamayay taageerayaashiisa. Inkastoo uu ka badbaaday weerarka, haddana waxaa lagu sameeyay qalliin dhowr ah.
Frederiksen, oo 46 jir ah, ayaa noqotay ra'iisul wasaare sanadka 2019 ka dib markii uu la wareegay hogaanka xisbiga bidix dhexe ee Social Democratic afar sano ka hor. Waxay sidaas ku noqotay ra'iisul wasaarihii ugu da'da yaraa taariikhda Denmark.
Wax yar ka dib, waxa uu khilaaf soo kala dhexgalay iyada iyo madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Donald Trump ka dib markii uu Mr Trump soo jeediyay in Maraykanku iibsanayo Greenland. Ms. Frederickson ayaa ka hortimid qorshaha Trump oo markaas fadhiyay aqalka ee Mareykanka looga arrimiyo.
Markii ay diiday soo jeedinta heshiiska dhulka ee Mr Trump oo ay ku tilmaantay'wax lagu qoslo', Trump ayaa isna tilmaamay 'arrin xun'.













