Sawirro burburinta mowlacyada Ciraaq
Qoraalka sawirka, Sawiradan oo la soo galiyay baraha bulshooyinka ee internetka ayaa muujinaya masaajidyo la duminayo waqooyiga Ciraaq.Qoraalka sawirka, Masawirada qaar ayaa muujinaya AlQubba Xuseeniya oo ah mawlac shiico oo lagu burburiyay magaalada Mosul.Qoraalka sawirka, Mintidiinta ayaa isticmaalay cagaf burburinta mowlac loo yaqaan qabrigii gabdhaha ee ku yaala Mosul.Qoraalka sawirka, Waxay aaminsan yihiin in ay ka soo horjeedaan diinta Islaamka mawlacyada iyo qabriyada muhiimka ah.Qoraalka sawirka, Mintidiinta ayaa burburiyay mowlaca Sacad Bin Aqeel Xuseeniya ee ku yaal Tal Afir 50 kilo meter galbeedka Mosul.Qoraalka sawirka, Mintidiinta ka tirsan ISIS ayaa la aaminsan yahay inay burburiyeen kaniisado ku yaal Mosul. Qoraalka sawirka, Masawiro kale ayaa muujinaya mawlaca Ahmed al-Rifai ee deegaanka Mahlabiya ee u dhow Tal Afar oo cagaf cagaf lagu burburinayo.Qoraalka sawirka, Mintidiinta ayaa burburinaya mawlacyada Shiicada iyo kuwa Suniyiinta, waxayna balanqaadeen inay burburinayaan meelaha aysan ogoleen oo dhan ee cibaadada.