Puntland oo soo saartay sharci cusub ee kufsiga oo uu ansixiyey baarlamaanka maamulka Puntland.
Qaybaha bulshada, ururada xuquuqda dadka, iyo ururada haweenka ayaa soo dhaweeyey sharci cusub oo ah kii u horeeyey Soomaaliya laga hirgaliyo ee ciqaabka kufsiga. Waxaa sharcigan ansixiyey baarlamaanka maamulka Puntland.
Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland Aniisa Xaaji Muumin oo khadka telefoonka Garowe aan ku wareysanay ayay qodobada sharciga ciqaabta kufsiga uga warantay Cabdinur Sh Maxamed.