Weriye hore uga tirsanaa BBC Somali oo ka hadlay la kulankiisa boqorka cusub
Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay maanta inuu yahay boqorka cusub ee UK, ka dib munaasabad lagu qabtay qasriga St James's ee London.
Haddaba waa kuma boqorka cusub? Waxaan su'aashaas weydiinay weriyihii hore ee laanta af-Soomaaliga ee BBC Siciid Cali Muuse oo 31 sano ka hor mar la kulmay Charles oo markaa ahaa amiir dhaxalka sugayay. Khadka telefoonka ee London ayuu ugu waramay Kowsar Maxamed Cabdullaahi.