Daawo sida uu isu bedalay suuqa Waaheen ee gubtay
Waxaa maanta markii ugu horreysay loo oggolaaday in ay gudaha u galaan ganacsatadii gudaha suuqa Waaheen ee magaalada hargeysa ee ku lahaa ganacsiyada kala geddisan, si ay u soo eegaan bal in ganacsigooda uu wax ka badbaaday.
Dad badan ayaa halkaasi ku hant-beelay waxaana intooda badan ay haatan eegayaan suurtagalnimada in wax uun ay u badbaadeen.
Weriye Xasan Galeydh ayaa tegay suuqa gubtay warbixintan ayuuna ka soo diray.