Maxaa keenay in maroodigan ay foolasha u soo bixi waayaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad cusub ayaa sheegaysa in ugaadhsiga ba'an ee fool mardoodiga qaybo ka mid ah dalka Mozambique loogu layn jiray ay keentay in dhalan gedis ku dhaco maroodigii oo foolba u soo bixi waayo.
Daraasaddan oo lagu daabacay majaladda Science Magazine ayaa lagu ogaaday in seeraha qaranka ee Gorongosa lagu arkay xaalad isbedelka hidde sideyaasha ah oo markii hore dhif ahayd ay haatan noqotay mid aad u badan. Waxaana maroodiga loo ugaadhsadaa foolkiisa oo lacagta laga helo lagu galo dagaalka sokeeye taasina keentay in maroodigu qarka u saaran yahay dabar go.
Dagaalka ka hor qiyaastii 18.5% dheddigga ayaa si dabiici ah u noqon jiray bilaa foolal.
Laakiin tiradaasi waxay gaadhay 33% maroodiyada dhashay tan iyo horraantii 1990 -meeyadii.
Qiyaastii 90% tirada maroodiga Mozambique ayaa waxaa laayey dagaalyahannada labada dhinac ee dirirta sokeeye u dhaxaysay 1977 ilaa 1992. Ugaadhsatada ayaa u iibiyey fool maroodiga si ay lacag ugu helaan dagaallada ba'an ee u dhexeeya ciidamada dawladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ee shuuciyadda aaminsan.
Sida midabka indhaha iyo nooca dhiigga ee aadanaha ayaa hidde sideyaashu go'aamiyaan waxyaabaha uu waalidkii ka dhaxlo sida foolka oo kale.
Maroodiga aan lahayn foolka ayaa soo hadhay oo aanay ugaadhsatadu danaynayn waxaana dhici karta in taasi keento in ay aad u tarmaan maroodiga aan foolasha lahayni.
Cilmi-baadhayaasha ayaa muddo dheer is weydiinayey in astaamahan lagu arkay maroodiga dhedig oo keliya ay xidhiidh la leeyahiin jinsiga maroodiga. Ka dib daraasad lagu sameeyey hidde sideyaasha maroodiga aan foolasha lahayn waxa la ogaaday in isbeddelku la xidhiidho isbedel ku dhaca X -chromosome -ka kaas oo aan si haboon ugu korin ilmo-galeenka maroodiga dheddig.
Professor Robert Pringle oo ka tirsan Jaamacadda Princeton, kana mid ah dadka daraasaddan sameeyey, ayaa sheegay in arintan la ogaaday ay yeelan karto arimo badan oo saamayn muddo dheer ah ku yeelan doona xawayaankan.
Wuxuu farta ku fiiqay in maadaama oo fool la'aantu ay tahay astaan halis ku ah maroodiga lab ee dhalan doona ayaa suurto gal tahay in ay yaraan doono tirada guud ee maroodiga dhalan doona. Taasina waxay hoos u dhigi doontaa taranta maroodiga ku jira seerahaas oo haatan in yar uun ka badan 700.
"Fool la'aantan maroodigu waxay faa'iido u lahayd maroodiga waagii dagaalku socday" ayuu yidhi Professor Pringle.
"Laakiin taasina khasaaraheeda ayay lahayd".
Arin kale oo ay suurto gal tahay in ay sabab u tahay isbedelkan ayaa iyadna ah in daraasaddu muujisay in maroodiga foolka leh iyo ka bilaa foolka ahi daaqaan dhir kala jaad ah.
Laakiin Professor Pringle wuxuu ku nuuxnuuxsaday in astaantan maroodiga lagu arkay tahay mid wax laga qaban karo oo la doorin karo muddo mustaqbalka maadaama oo tirada maroodigu ay haatan tahay mid ka badbaaday dabar go'ii ay qarka u saarnayd.
"Waxaan rajaynaynaa waa in waxa keena isbedelkan hidde sidayaashu ay haatan yaraan doononto maadaama oo hawsha ilaalinta doorjoogtaas iyo daryeelkeedu haatan muujinayo in isbdel togan dhawaanahan", ayuu yidhi.
"Waxa jira warar badan oo niyad jab leh oo ku saabsan ku wada noolaanshaha aadamaha iyo xawayaanka ee deegaanka, waxaanay ila tahay in ay lagama maarmaan tahay in carrabka lagu adkeeyo in ay sidoo kale jiraan waxyaabo yididiilo leh oo muujinaya sawir fiicani"











