Fiid-meer dhigtay rikoodh cusub oo bisadi u dishay Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fiid-meer rikoodhka jabisay oo u kala duushay masaafo ka badan 2,018 Km London ilaa Ruushka ayaa dhimatay ka dib markii bisadi weerartay.
Fiid-meertaas oo ahayd mid dheddig oo ah nooca la yidhaa Nathusius pipistrelle, oo le eg qof suulkii ayaa laga helay gobolka Pskov ee Ruushka.
Fiid-meerta oo ay garabka ku leh "calaamadda beerta xawayaanka London" ayaa waxa soo samata biyey koox daryeesha fiid-meerta laakiin markii dambe way dhimatay.
Waa socdaalkii ugu dheeraa inta la ogyahay ee ay fiid-meer Ingiriiska ka duushay kaga gudubto Yurub sidaana ay ku jabisya rikoodhadii hore u yaallay Ingiriiska.
Fiid-meerta pipistrelle oo miisaankeedu yahay 8g ayaa waxa helay qof Ruusha oo degan Svetlana Lapina oo ah tuulo yar oo ku taal Molgino waxaana in la helay lagu wargeliyey ururka daryeelka fiid-meerta Ingiriiska ee Bat Conservation Trust.
Lisa Worledge oo ah madaxa wakaaladdas ayaa tidhi "wuxuu ahaa socdaal aan hore loo arag oo ah kii ugu dheeraa inta aanu ognahay ee ay fiid-meer ka duushay Ingiriisku Yurub kaga gudubto.
"Socdaalkeedu wuxu ahaa mid aad u xiiso leh oo sayniska wax tar u leh iyo sidoo kale hal xidhaale ay tahay in la fahmo oo ku saabsan duulimaadka fiid-meerta.
Baalka waxa kaga yaallay calaamadd lagu dhigay 2016 oo uu ku dhigay Brian Briggs.
Briggs ayaa yidhi "arintani waa mid xiiso leh. Waa wax fiican in ay arintani wax tar u leedahay hawlaha ilaalada duurjoogta si loo ilaaliyo xawayaanka naadirka ah oo wax badan laga barto qaab nololeedkooda la yaabka leh".
Rikoodhkan wax aka saree uun mid keliya inta laga ogyahay socdaalka fiid-meerta ee Yurub kaas oo ah in mid ka mid ah nooca Nathusius' pipistrelle ka duushay Latvia ilaa Spain sannadkii 2019 oo ahaa rikood ay dhigtay oo ah masaafo dhan 2,224 km.
Korodhka baaxadda dhulka ay u kala duusho fiid-meerta Nathusius' pipistrelle waxa lala xidhiidhinayaa isbedelka cimilada waxaana la saadaalinayaa in marka mustaqablka cimiladu isa sii bedesho ba ay saamayn ku yeelan doonto noocan.
Waxa jirtay in la diin waan geliyey in ay Ingiriiska ku nool yihiin 2600 oo ah fiid-meerta Nathusius pipistrelle 2014 mashruucaas oo looga gol lahaa in lagu ogaado qaabka ay u taranto fiid-meertani iyo habdhaqanka hayaankeeda.
Fiid-meertaas oo ahayd mid dheddig oo ah nooca la yidhaa Nathusius pipistrelle, oo leeg qof suulkii ayaa laga helay gobolka Pskov ee Ruushka.
Fiid-meerta oo ay garabka ku leh "calaamadda beerta xawayaanka London" ayaa waxa soo samata biyey koox daryeesha fiid-meerta laakiin markii dambe way dhimatay.
Waa socdaalkii ugu dheeraa inta la ogyahay ee ay fiid-meer Ingiriiska ka duushay kaga gudubto Yurub sidaana ay ku jabisya rikoodhadii hore u yaallay Ingiriiska.
Fiid-meerta pipistrelle oo miisaankeedu yahay 8g ayaa waxa helay qof Ruusha oo degan Svetlana Lapina oo ah tuulo yar oo ku taal Molgino waxaana in la helay lagu wargeliyey ururka daryeelka fiid-meerta Ingiriiska ee Bat Conservation Trust.
Lisa Worledge oo ah amadaxa wakaaladdas ayaa tidhi "wuxuu ahaa socdaal aan hore loo arag oo ah kii ugu dheeraa inta aanu ognahay ee ay fiid-meer ka duushay Ingiriisku Yurub kaga gudubto.
"Socdaalkeedu wuu ahaa mid aad u xiiso leh oo sayniska wax tar u leh iyo sidoo kale hal xidhaale ay tahay in la fahmo oo ku saabsan duulimaadka fiid-meerta. Socdaalka Nathusius' pipistrelle ay ku duusho UK dhexdeeda iyo inta u dhaxaysa IK iyo qaaradda ayaan wax badan laga ogayn"