Lafo laga helay Mali oo la gartay in ay yihiin kuwo haweenay la la'aa

Béatrice Stöckli

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Béatrice Stöckli

Wasaaradda arimaha dibadda Switzerland ayaa sheegtay in la helay lafaha haweenay afar sano iyo dheeraad lagu af-duubay Mali.

Béatrice Stöckli waxay ahayd gabadh faafisa diinta Masiixiyadda oo ku noolayd magaalada Timbuktu waagaa ay Jihaadiyiintu af-duubeen 2016.

Qof kale oo haweenaydaa lala af-duubay oo la sii daayey sannadkii hore ayaa sheegay in qofkaa dumara ay dileen kuwii af-duubay oo ahaa urur Al-Qaacida xidhiidh la leh.

Lafahaas oo dhawaan loo gacan geliyey dawladda Mali ayaa markii lagu baadhay hiddesiyaasha DNA lagu ogaaday in ay kuwii haweenaydaa yihiin.

Béatrice Stöckli mar ayey mitidiinta Islaamiyiinta ahi qabteen 2012.

Ciidamada Mali iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee nabad ilaalinta ayaa muddo ba dagaalo kula jiray jihaadiyiinta ka dhaqdhaqaaqa woqooyiga dalkaas tan iyo sannadkii 2012.

Madaxfurashada dadka ay u qafaashaan iyo kootarabaaninta hubka iyo maandooriyaha ayaa ah waxyaabaha ay dhaqaalaha ka helaan kooxahaas ka dhaqdhaqaaqa dhulkaa ballaadhan ee lama degaanka ah.

Béatrice Stöckli waxa af-duubtay kooxda xidhiidhka la leh Al-Qaacida ee la yidhaa Jamaacat Nustrat Al-Islaam Wal Muslimiin.

Warka dhimashadeeedu wuxuu soo baxaya kolkii la sii daayey bishii Oktoobar ee kal hore afar qof oo ay kooxahaa jihaadiyiinta ahi ku haysteen Mali, oo ay ku jirto haweenay 75 jir Faransiis ah oo ka shaqayn jirtay gargaarka oo la yidhaa Sophie Petronin.

Haweenaydaas ayaa u sheegtay saraakiisha Faransiiska in Béatrice Stöckli ay dileen kooxdii af-duubatay bil ka hor markii la soo daayey iyada.

Dhawr maalmood ka hor ayaa lafaahaas oo loo malaynayo in ay ahaayeen kuwii ahweenaydaa u dhalatay dalka Switzerland lagu wareejiyey dawlada Mali, sida uu sheegay wasiirka arimaha dibadda Switzerland.

Muunadda hiddesideyaasha DNA yaa loo diray dalka Switzerland si loo soo baadho.

"Nasiib darro waxaan haatan si cad u ogaanay in haweenaydii af-duubka loo haystay ay dhimatay"ayuu yidhi.

Béatrice Stöckli waxay ka tagtay magaalada Basel waxaanay ka shaqaynaysay woqooyiga dalka Mali ee Muslimiintu u badan yihiin muddo sannado ah.

Waxa markii ugu horraysay af-duub loo qabsaday sannadkii 2012 wax yar uun ka dib markii ay magaalada Timbuktu qabsadeen gooni u goosatada iyo falaagada Islaamiyiinta ahi. Waxaana la sii daayey todobaad iyo waxoogaa yar ka dib oo waxa soo daayey ergo ka tagtay dalka ay wadankaa deriska yihiin ee Burkina Faso.

Sii dayntii afarta qof ee af-duubka loo haystay ee la soo daayey bishii Oktoobar wuxu ahaa qorshe maxaabiis la isku waydaarsanayey oo lagu sii daayey in ka badan 100 jihaadiyiin ah.