Maxaabiis Boko Haram ah oo ku dhintay jeel ku yaal Chad

Xigashada Sawirka, AFP
Xeer ilaaliyaha guud ee Chad ayaa sheegay in afar iyo afartan qof oo lagu tuhunsanaa in ay ka mid yihiin miditiinta Boko Haram ay ku dhinteen xabsiga oo loo malaynayo in la sumeeyey.
Ragaas oo ka mid ahaa koox eedaysanayaal 58 qo ka koobay ayaa lagu qabtay hawl gal weyn oo milatarigu kaga hortagay kooxda Islaamiyiinta ah ee ka hawl gasha hareeraha harada Chad.
Baahditaan ayaa la bilaabay ka dib markii afar ka mid ah maydadka oo la baadhay laga helay jidhkooda in ay ku sumoobeen maado halis ah.
Wasiirka caddaaladda ayaa wakaaladda wararka ee APF u sheegay in aan maxaabiistaa six un loola dhaqmin.
Djimet Arabi waxa uu ka fal celinayey eedo ah in maxaabiistaa makhsin qudha lagu wada xidhay oo aan cunto iyo biyo toona la siinin tan iyo markii loo gudbiyey magaalo madaxda N'Djamena Salaasadii.
Gulufkaa waxa milatirigu ku qaaday ka dib markii kooxdaa jihaad alooska ahi ay dagaal todoba saacadood socday dileen qiyaastii 100 askri oo ciidanka Chad ah 23 Maarij oo ay ku qaadeen saldhig ku yaal jasiirad ku taal harada Chad.

Xigashada Sawirka, AFP
Wuxu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ay Boko Haram ku qaado ciidamada Chad tan iyo intii ay kooxdani hawl gallada ka bilooday xadka dalkaase Niger la leeyahay dhawr sano ka hor.
Maxaabiistan ayaa waxa loo hayey oo ku socday baadhitaan aragagixisonimada lagaga soo horjeedo, hase yeeshee subaxnimadii Khamiista ayaa iyagoo mayd ah la arkay, sidaana waxa sheegay xeer ilaaliye Youssouf Tom.
"Afartan ka mid ah waa la saasay afarka kale maydkoodna waxa la geeyey isbitaal lagu baadhey oo waxa lagu ogaaday in maado halis ah ay cuneen taas oo wadnaha wax yeeshay sidoo kalena naaaf qabatow iyo dhibaatooyin kale eentay" ayuu yidhi isaga oo Telefishanka dawladda ka hadlayey Sabtididii.
Arabi ayaa isna wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey in baadhitaan la bilaabay, "ma iyagaa si badheedha isku wada dilay mise wax kalaa dhacay? Arintaas weli waanu baadhaynaa in aan jawaab u helno" ayuu yidhi.

Xigashada Sawirka, AFP
Maxaabiistaa mid ka mid ah oo isbitaalka la geeyey Khamiistii ayaa bogsaday oo haatan dib loogu celiyey xabisga oo ay ku jiraan 13 maxbuus oo kale oo "bed qaba oo aan waxba noqon" ayuu sheegay wasiirka caddaaladdu.
Milatarigu wuxuu sheegay in hawl galkaa sideeda maalmood socday ay mitidiinta kaga nadiifinayeen goonbahaa ay ku dhuumaalaystaan ee jasiiradda harada Chad ku taal lagu guulaystay.
Af-hayeen u adlay milatariga ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in 1000 iyo dheeraad ka mid ah kooxdaas jihaad alooska ah lagu dilay aaggaa ballaadhan ee biyo fadhiisin ka ah ee u dhexeeyey dalalka Chad, Niger, Nigeria iyo Cameroon.
Falaagada Bokor Haram waxay ka bilaabantay woqooyi bari Nigeria toban sano ka hor waxaanu qalalaasaha ay wadaan ku fidya dalalka jaarka la ah, dadka ku dhintayna waxa tiradooda lagu qiyaasay 30,000 iy dheeraad oo waxa ku bara kacay laba milyan oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
In kasta oo ay jiraan dedaallo heer gobol ah oo lagu doonayo in lagu soo af-jaro qalalaasaha Boko Haram uu socday, hadana kooxdu bilihii u dambeeyey sii dardar gelisay weerarrada ay qaaddo.










