Nin 30 taleefoon "jeeb-siibay" oo la qabtay

Taleefoonada la xaday

Xigashada Sawirka, DUTCH POLICE

Qoraalka sawirka, Taleefoonada la xaday

Booliska dalka Netherland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in kastuumo ama hoos-gashi uu xirnaa ku xaseeyay 30 taleefoon oo uu jeeb-siibay.

Booliska dalkaas ayaa sheegay in ninkan 34 jirka ah lagu tuhmayo in taleefoonadaas uu kasoo jeeb-siibay dad ka qeybgalayay bandhig faneed.

Booliska ayaa ninkan kahor istaagay in uu ka baxo albaabka laga soo galo kadib markii dadkii halkaas joogay ay ku wargeliyeen.

Taleefoonada la xaday ayay booliska sheegeen in ay gaarayaan 50 taleefoon, ilaa iyo haddana ma cadda in qofka looga shakiyay oo u dhashay dalka Romania ay ku wehliyaan koox kale.

Bandhig faneedkan ayaa 21-kii bishan Janaayo ka dhacay Magalaada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Laamaha ammaanka ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, kadib markii qaar kamid ah dadkii taleefoonada laga jeeb-siibay ay ku wargeliyeen, waxayna taas keentay in la xiro dhammaan albaabad laga baxo ee goobta.

Kastuumada lagu qariyay taleefoonada

Xigashada Sawirka, DUTCH POLICE

Qoraalka sawirka, Kastuumada lagu qariyay taleefoonada

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Netherlands ayaa lagu sheegay in dadka taleefoonada laga xaday ay laamaha ammaanka u sheegeen astaamo lagu garan karo qofka ay tuhmayaan, waxayna taas horseeday in booliska ay gacanta ku dhigaan qof u qaab eg astaamihii ay dadku sheegeen.

Ninkan u dhashay Romania ayaa lagu wadaa in maxkamad lasoo taago toddobaadkan gudihiisa.

Dowladda Netherlands ayaa aaminsaneyd in dad badan lagu jeeb-siibi doonaa bandhig faneedkaas, kadib markii ay kusoo wargeliyeen dhiggooda dalka Beljamka.

Booliska Beljamka ayaa sheegay in bandhig faneed noocaas oo kale ah oo ka dhacay dalkaas lagu xaday 50 taleefoon, waxayna taas keentay in ay ku wargeliyaan booliska Netherlands.

Laamaha ammaanka ee Dowladda Netherlands ayaa sheegay in xariga ninkan ay muujineyso wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa booliska labada dhinac, gaar ahaan la tacaalidda falalka burcadda.

Waxaa kale oo la tuhmayaa in buracdda labada dhinac ay yihiin kuwa isku xiran, maadaam arrinta jeebsiibka ay ka dhacday laba xafladood oo kala duwan.