Abwaan Shube: Jacaylka kusoo bood iyo xiiso ma aha

Xigashada Sawirka, Google
Suugaanyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdiqaadir Cabdi Shube, oo hadda ku sugan magaalada Garoowe ayaa wareysi uu siiyay BBC Somali uga hadlay arrimaha Jacaylka, maadaama uu ka mid yahay dadka murtidooda ku cabiray caashaqa dhabta ah ee soo maray.
Ugu horreynba wuxuu Abwaanku noo sharraxay khibradda uu jacaylka u leeyahay, wuxuuna ka sheekeynayaa qisadiisii 'taariikhiga ahayd'.
"Anigu Muxubo ayaan jeclahay, qisadeydu waa caan, Soomaali oo dhan baa og, heeso badan ayaana u tiriyay", sidaas waxaa yiri Abwaan Shube oo la hadlayay laanta BBC-da.
Wuxuu abwaanku sheegay in sanadkii 1982-kii ay isbarteen gabadha uu jecelyahay, Muxubo Cismaan, taasoo xaaskiisa noqotay bishii labaad ee sanadkii 1983-kii.
- Lag sagaal kulanayaa siddeetan iyo labadii
- Bishiisii labaad oo gashay labiyo toban baa
- Jacaylkeenna loo xiray laasuntiyo qardhaastoo
- Luxustiisi koowaad awr lab fayow baan
- Liilaaf ugu duceeyoo aamiintaan gacmaha lulay
- Rabi igama lumininoo wuu nagu lilleeyoo
- Liibaantu waligeed way nagu larreydoo
- Wiqeen labada maalmood tan dambaan ladneynoo
- Lihi maal adduun iyo Lixaad noo kodhaayay
Erayadaas waxay ka mid ahaayeen mid ka tirsan suugaanta uu Abwaan Shube u tiriyay qoyskii uu yagleeyay ee ay lamaanaha ku ahaayeen isaga iyo xaaskiisa.
Inta badan waxaa la sheegaa in raggu ay koolkooliyaan xaasaskooda marka ay da' yar yihii, laakiin marka ay xoogaa sii weynaato ay xaaladdu isbadasho.
Laakiin Abwaan Shube oo arrintaas dhaliilay ayaa tix ku cabiray waano uu ragga ula dan lahaa.
- Lama lumiyo caashaqa
- Goortii Lamaanaha
- Laaciyo labeentiyo
- Isdhimo luulugoodiyoo
- Laga laysto ubadkee
- Waxaa loo tix galiyaa
- Labaatan iyo dhowr sano
- Howshey ku liiliday
- Lixaad iyo wixii qurux kasoo lumay
- Tacabkii la laasumay
- Saan lagu ladnaanee
- Waa loo lab qaboojaa
- waxaa lala wadaagaa
- Kalgacayl lillaahi ah
- Lagu soo kacshaa lahan
- Loo sheegaa inay tahay
- Waqeed lama illaawaan
- la jecelyahay
- Sida aniga iyo Ladan
- Ladan Muxubo Luula.
Sagaal carruur ah ayey isu dhaleen Abwaanka iyo xaaskiisa Muxubo, walina jacaylkooda wuxuu sii karaar qaataa marba mark aka dambeysa.
Jacaylku ma aha mid lagu soo boodo
Abwaan Shube ayaa ka hadlay jacaylka ay sameeyaan inta badan dhalinyarada, kaasoo si fudud ku billowda, si fududna ku dhammaada.
Wuxuu aaminsan yahay in labada qof ay u baahan yihiin inay aad u lafa guraan arrintooda.
"Aniga iyo Muxubo waxaan isbaraneynay 6 bilood annagoo aan isqabin. Marka dhalinyarada waxaan kula talinayaa, gabdho iyo wiilalba, qofka aad guursaneysaan marka hore isbarta. Jacaylka ka daawa soo booddada iyo ku arkayoo ku caashaqay. Ma shaqeyneyso inaad qofka tiraahdo waan kaa helay adigoo dariiqa maraya", ayuu yiri Abwaanku.










