Siduu ku yimi go'aanka Muddo kordhinta ee isdiiwaan gelinta Jubbaland?

.

Xigashada Sawirka, Jubbaland TV

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ay muddo kodhin Saddex cisho ah ku daray wakhtigii isdiiwaan galinta ee musharraxiinta aan horay isku diiwaan gelinin.

Warkan ayaa waxaa lagu shaaciyay qoraal uu soo saaray guddiga kaas oo lagu sheegay in wakhtiga isdiiwaan galinta uu billowday maanta oo ay bishu tahay 17-ka Agosto, kuna egyahay 19-ka isla bishan.

Muddo kordhintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Kismaayo ku sii qul-qulayeen Madaxda beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaasi oo isku deyayay in ay xal u helaan khilaafka taagan.

Wafdi uu hor kacayay wakiilka xoghayaha guud ee Soomaaliya, James Swan oo uu wehliyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa kismaayo tagay waxayna la kulmeen madaxweynaha Jubbaland.

.

Xigashada Sawirka, Jubbaland

Sida lagu soo xigtay maamulka Jubbaland, James Swan ayaa Axmed Madoobe kala hadlay "in musharrixiinta mucaaradka loo ogolaado in ay isdiiwaangeliyaan iyo in shuruudaha lagu xiray wax laga badalo".

"Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan ka socday Beesha Caalamka u sheegay in uusan isagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada ayna tahay shaqada Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka", ayaa laga soo xigtay madaxtooyada Jubbaland.

Guddomiyaha guddiba madaxa bannan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland Xamze Cabdi Barre oo BBC wareysi siiyay ayaa sheegay in kulan ded-deg ah ay golaha qabteen ka dib markii ay tashi la sameyeen xildhibaanada cusub, musharixiinta isdiiwaan gelisay iyo odayaasha dhaqanka, ayna taasi keentay in muddo kordhintaan la sameeyo.

''Markii la arkay baahida loo qabo in Jubbaland ay ka dhacdo hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah iyo in lagu dadaalo amniga iyo xasiloonida jubbaland ayaan go'aankan qaadanay'', ayuu intaasi ku sii daray gudoomiyaha.

Mar la weydiyay in muddada Saddexda Maalmood ay yartay iyo in kale ayuu gudoomiyaha yiri:

''Haddii loogu talagalo oo ay ka go'antahy in musharaxa uu is diiwaan geliyo waxaa ku filan hal maalin oo kaliya''

Dhanka kale, maanta waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, taas oo uu ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Dhawaan waxaa la filayaa in ay hadal jeedin sameeyaan musharxiinta u tartamaya jagada madaxtimimada ee maamul goboleedka Jubbaland, ugu dambeynna doorashada madaxweynaha oo lagu wado in dhacado 22-ka bishan Ogosto.

khilaafka doorashada Jubbaland ayaa cirka isku sii shareeray ka dib markii xubnaha baarlamaanka Jubbaland ay guddiga shaaciyeen arrintaasi oo ay markiiba gaashaanka u daruureen musharaxiinta madaxtinimada ee Jubaland kula tartamayay madaxweynaha talada haya waxayna Muqdisho kaga dhawaaqeen magacyada liis xildhibaanno kale oo ka koobanaa 66 mudane.

.

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

Waxaa uu khilaaf ka taaganaa hannaanka doorashada oo ay kamid yihiin liiska odeyaasha soo xulayo xildhibaanada iyo qaabka loo qabanayo doorashada madaxweynaha.