Kalkaaliyihii noqday dilaaga dahsoon

Niels Högel ayaa lagu helay in uu dilay85 qof oo bukaan ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Niels Högel, oo ahaa kalkaaliye caafimaad oo hore, oo lagu helay dambi ah in uu labo cisbitaal oo Jarmalka kuyaal ku dilay 85 qof oo bukaan ah, ayaa noqday qofkii ugu halista badnaa ee si dahsoon wax u dila.

Högel, ayaa xabsi daa'in lagu xukumay 6-dii bishan June , waana qofkii ugu dambeeyey ee shaqaalaha caafimaadka ka tirsan ee xabsiga ku mutay dilkii ay u gaysteen bukaankii ay daryeelayeen awgiis.

Su'aasha meesha taal ayaa ah sababta Högel iyo dadka la mid ka ah ay bukaanada ku laayeen?

Waa dhif in dambiilayaashu ay hadlaan, xataa marka ay dambiga samaynayaan, "Waa in aan ka digtoonaanaa in aan rumaysanno warkooda," ayay tidhi Elizabeth Yardley, oo dambiyada ku takhasustay kana tirsan jaamacadda Birmingham.

Dambiiluhu ah waxa uu ku doodi karaa in bukaanka uu nafta dhaafyey si qofkaasi uu uga raysto rafaadka uu marayo.

Waa sidaas sida ay u sharraxday kalkaaliso Maraykan ah oo lagu magacaabo Charles Cullen, oo qiratay in ay dishay 29 qof oo bukaan ah, in kastoo arrintaas lagu beeniyey in bukaanadii ay dishay mid ka mid ah uu soo caafimaadayey intaysan dilin ka hor.

"Hadalkoodu ma ahan run ee waa marmarsiiyo," ayay tidhi Ms Yardley

Shaqaale caafimaad oo kale ayaa nafta dhaafiya bukaanada ay u arkaan in xaalkoodu uu culus yahay.

Waxaana marag ka ah, Kalkaaliso dilaa ahayd oo Canada u dhalatay laguna magacaabo Elizabeth Wettlaufer oo sheegtay in ay caro is hayn wayday kahor inta aanay cirbad ku dilin siddeed qof oo ka mid ahaa bukaanadeeda.

Elizabeth Wettlaufer ayaa qiratay in ay dishay 8 qof oo wayeel ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka ay dishay waxaa ka mid ahaa, James Silcox, oo 84 jir ahaa kana xanuunsanayey dhanka maskaxda. Waxaa la dilay bishii September 2007-dii.

"Habeenkaas ayaan go'aansaday in aan cirbad tankiisa ka badan ku dilo James," ayaa ka mid ahaa qoraalladii Wettlaufer.

" Abbaaro 7:30 pm ayaan go'aansaday in aan cirbadda insulin-ta ku dilo, anoo ku rajo waynaa in uu dhakhso u dhinto." ayay tidhi.

Si kataba ha ahaatee qaar badan oo ka mid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka ayaa bukaanadooda si ula kac ah u dila, ayagoo mid kastaaba uu marmarsiiyo gaar ah la imaanayo.

Arrinta ugu muhiimsan, ee Ms Yardley ay sheegtay ayaa ah in shaqaalaha caafimaadka ee sida joogtada ah bukaanada u laaya ay sababteedu tahay in ay awood is bidaan iyo in ay ku takrifalaan awoodda loo siiyey in ay bukaanadaas maamulaan.

"Dadkaasi waxa ay is bidaan in ay maamuli karaa nolasha iyo geerida, waxay dareemaan awood lahaansho ah, iyo in sidii ay doonaan ay ka yeeli karaan bukaanadooda," ayay tidhi.

"Waxay dareemaan in ay xaq u leeyihiin in ay dadkaas waxyeello u gaystaan oo ay khaarijiyaan."