Golaha guurtida Somaliland goormey howlgab noqonayaan?

Guuritda Somaliland ayaa muddo kordhin u sameeyay Aqalka Wakiillada, balse su'aasha aan la is weydiinin ayaa ah, iyagu kormuu xilkoodu ku egyahay. Guuritida Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa la hirgeliyay kahor inta aysan Somaliland ku dhawaaqin gooni-isu-taagga.
Axmed Saciid Cige, weriyihii hore ee BBC-da, haatanna ka faallooda arrimaha geeska Afrika ayaa sheegay in "dowladihii Somaliland ay ku fashilmaan inay sameeyaan xeerka Guurtida".
Cige ayaa BBC-da u sheegay in Guuritda aan weli waxba laga baddelin tan iyo markii la aasaasay gooni-isu-taaggii Somaliland ka hor, kaddibna la sharciyeeyay 1993-dii.
Waxaa uu sheegay in dad yar un ay ka soo hareen dadkii lagu aasaasay Guuritda, qofkii dhinta na dhaxal ahaan loogu baddelo mid kamid ah eheladiisa, taasi oo uu sheegay inay sababtay in wax la iska weydiiyo "dimuqraadiyadda Somaliland".
"Horta lix sano weeyaan muddo xileedkooda, xeer loo sameeyay ma jirto sida loo soo dooranayo, balse shirkii beelaha ee 1997 ee Hargeisa lagu qabtay ayaa looga hadlay arrintooda, markii dambena waxaa lagu ansixiyay afti dadweyne 2001-dii. Balse ilaa iyo haatan waqtigaa dheer kaddib, xeerkii lagu heshiiyay looma sameyn Guurtidu," sidaas waxaa yiri Axmed Saciid Cige oo u warramay BBC Soomaali.
Guurtida dadkii lagu aasaasay waxaa kaga jira oo keliya 10 xubnood, iyadoo odayaashii kale intooda badan ay geeriyoodeen.

Howlaha ay qabtaan Guurtida Somaliland
Aqalka Guurtida Somaliland ayaa loogu talagalay inay xil kordhin u sameeyaan Aqalka Wakiillada iyo Xukuumadda, haddii laga cabsado inuu khalkhal yimaado, ama xilligeedii ay ku qabsoomi weydo doorashada.
Haatan waxaa taagan khilaaf xooggan oo ku saabsan doorashada xubnaha wakiillada oo Xisbiga Waddani ee uu hoggaamiyo Cabdiraxman Cirro uu sheegay in uusan ku kalsooneyn guddiga doorashooyinka.
Guddiga haatan ee doorashooyinka waxaa uu xilligooda ku egyahay dabayaaqada bisha November ee sanadkan 2019-ka, taas oo ka soo horreyso xilligay tahay in la qabto doorashooyinka xubnaha aqalka wakiillada.










