Sarkaal sare oo Mareykan ah oo ka badbaaday dil

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Jeneraal Scott Miller

Sarkaal sare oo katirsan ciidammada Mareykanka ee jooga dalka Afghanistan ayaa si dirqi ah uga badbaaday shirqool la doonayay in lagu qaarajiyo.

Saraakiil katirsan gaashaan buurta NATO ayaa sheegay in Jeneraal Scott Miller uu ka badbaaday weerarka, balse ay ku dhaawacmeen saddex qof oo u dhashay Mareykanka.

Weerarka ayaa la sheegay inuu fuliyay nin iska dhigay ilaalada mid kamid ah madaxda, waxana uu rasaas ooda uga qaaday saraakiil kasoo baxay shir looga hadlayay ammaanka gobolka Kandahar ee dalka Afghanistan.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay taliyihii booliska ee gobolka Khandahaar Abdul Raziq, waxaana sidookale ku dhaawacmay guddoomiyaha gobolkaasi.

Warar aan la xaqiijin oo soo baxay ayaa sheegaya in Jeneraal Scott Miller uu ku badbaaday jaakad nooca xabadda celisa oo xiligaasi xirnaa, waxaana jira warar kale oo shegaya in ninkii weerarka geystay la dilay. Sidoo kale laba qarax oo kale ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhaceen halka uu weerarka ka dhacay.

Ururka Taliban ee ka dagaalama dalkaasi ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka, iyagoo na intaa ku daray in bartilmaameedka uu ahaa Jeneraalka hesyta ciidammada Mareykanka iyo Raziq oo ahaa taliyaha booliska ee gobolkaasi. Jeneraal Raziq oo ku caan baxay dagaalka ka dhanka ah ururka Taliban ayaa la sheegay in laga toogtay dhabarka.

Weerarkan lagu qaaday saraakiisha ugu sarsareysa laamaha ammaanka ee gobolka Khandahar ee wadanka Afghanistan ayaa imaanaya iyadoo maalinta sabtida lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo doorashada barlamaanka.