Maxay tahay sababta Mareykanka uu ula saftay boqortooyada Sacuudiga?
Waxaa wali socda muranka ku saabsan weriyihii u dhashay dalka Sacuudiga, Jamaal Khashoggi oo markii dad ugu war dambeesay galay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Tan iyo markii la waayay weriyahaasi waxaa socday cadaadis lagu hayay dowladda Sacuudiga ee ku saabsan inay meel ku sheegto Jamal Khashoggi, balse dowladda Mareykanka oo ay xiriir dhaw leeyihiin boqortooyada Sacuudiga ayaa loo arkaa inay ka gaabineyso arrinkan.
Donald Trump ayaa cambaareeyay cadaadiska dalalka qaar ay ku hayaan Sacuudiga iyadoo wali la xaqiijin halkii uu ku dambeeyay weriyahaasi. Haddaba muxuu Mareykanka uga warwareegayaa inay si adag uga hadlaan arrintani.
Su'alahaasi iyo kuwa kale ayaa weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato waxaa uu weydiiyay Axmed Tiir oo ka faalooda arrimaha dunida Islaamka, kahdka taleefoonka ee London ayuu igu warramay.