BBC oo booqatay mehradihii ku burburay qaraxii Soobe ee 14 Octobar 2017
Toddobaadkan BBC-du waxay bilawday taxane ay kaga hadlayso sanad kadib qaraxii Soobe ee lagu dilay dadka ka badan shanta boqol ee qof kaas oo diiradda lagu saarayo raaddadka qaraxaasi reebay, sida uu noloshu dadka u badalay iyo sida ganacsiyadii ku burburay ay dib ugu bilaabmeen.
Sanad kahor markii uu dhacay qaraxii Soobe BBC-du waxay warbixino ka samaysay mehradihii ganacsi ee ku burburay qaraxaasi, haddaba maanta waxan eegeynaa sida uu sanad kadib u soo laabtay ganacsiga isgoyska Soobe.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa tagay Soobe warbixintan ayuuna ka soo diray.