Xoolo cudur lagu sheegay oo Sucuudigu Soomaaliya ku celiyey

Qoraalka Codka, Xoolo cudur lagu sheegay oo Sucuudigu Soomaaliya ku celiyey

Sacuudiga ayaa dhawaan xayiraaddii ka qaadday xoolaha Soomaalida, waxaana dalkaa loo dhoofiyey xoolo aad u faro badan gaar ahaan intan lagu jiro mawsimka xajka. Hase yeeshee waxa maalmo ka hor Sucuudigu soo celiyey xoolo tiradoodu kor u dhaaftay todoba iyo labaatan kun oo neef oo laga helay xanuunka Rift Valley fever, waxaana lagu wadaa markabka sida xoolahaa la soo celiyey inuu dekadda Boosaaso ku xidho Sabtida berito ah. Hase yeeshee wasiirka xanaanada xoolaha Puntland ayaa sheegay in ay baadhi doonaan xanuunka loogu sheegay in ay xoolahaasi qabaan, inkasta oo aanu carrabka ku dhufan nooca uu yahay cudurka laga helay xoolahaasi.

Haddaba cudurkan Rift Valleyoow maxaad tahay, dhibaato intee leeg ayuu se u leeyahay dadka iyo duunyadaba. Arimahaas waxa inoo sharraxaya Dr Cabdifataax Ducaale oo ku takhasusay xanuunada xoolaha ku dhaca iyo aafimaadkooda, waxaanu u waramay Faarax Lamaane oo ugu horrayn weydiiyey Rift Valley Fever mooyee xanuunada kale ee lagu soo celin karo xoolaha la dhoofiyey.