Berbera: Dhoofka xoolaha nool oo si xaami ah uga socda dekadda
Xilligan xajka xoolaha Soomaalida ee ugu badan oo ku dhow million iyo badh neef ayaa ka dhoofaya dekedda Berbera oo loo iib geenayaa Sacuudi Carabiya.
Xoolaha Soomalida oo dhowaan loo furay sayladda ugu weyn ee Sacuudiga oo sanadihii hore xayiraadi saarneyd ayaa haatan waxaa dhoofka xooluhu kusoo kordhiyay guud ahaan nolosha dadweynaha miyi iyo magaaloba dhaqdhaqaaq ganacsi oo dad badanina shaqo ka heleen deegaanada kala duwan ee Soomaalidu degto.
Weriyaha BBC ee Axmed Saciid Cige ayaa safar shaqo ku tegay magaalada Berbera warbixintan nooga soo diray