Sideed kamid ah booliska Kenya oo lagu laayay Wajeer

.
Qoraalka sawirka, Sideed kamid ah booliska Kenya oo lagu laayay Wajeer

Sideed kamid ah ciidammada booliska ee dalka kenya ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka waqooyi bari ee kenya. Weerarkan oo loo maleynayo inay ka dambeyeen ururka Al Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Booji garas ee Wajeer, waxaana la sheegay in weerarka loo adeegsaday miino dhul la geliyay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in miinadaasi ay burburisay dhamaan ciidammadii sarnaa baabuurka oo ka koobnaa ciidammada booliska iyo kuwa keydka.

Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in inta badan ciidammadaasi ay ahaayeen askar soomaali ah oo katirsanaa booliska Kenya.

Booliska Kenya ayaa horay uga digay weeraro ay ururka Al Shabaab ka geystaan gudaha Kenya inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadhaan-ka.

Horaantii bishan aheyd markii lix kamid ah ciidammada milateriga ee Kenya lagu dilay weerar xadka Soomaaliya iyo Kenya.