Maxay isku raaci doonaan madaxda afka ka dirirsan ee shirka G7?

Xigashada Sawirka, EPA
Hoggaamiyeyaasha kooxda G7 ayaa ku kulmaya dalka Canada, kulankoodan ayaana noqon doono mid ka mid ah kulamada ugu adag ee ay yeelanayaan sanadahan.
Billowga kulanka, ayaa hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Canada waxa ay isku khilaafeen madaxweynaha Mareykanka qodobada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo sdia canshuuraha ganacsiga.
Mar Trump, oo la filayay inuu noqdo hogaamiyaha ugu dambeeyo ee shirka soo xaadiyo iyo qofka uguy dambeeyo eek a taga ayaa kusoo rogay naxaasta iyo birta la dhoofiyo canshuuro dheeraad ah, taasi oo ka careysiisay shirkada waaweyn ee ganacsi.
Waxaa sidoo kale shirka ka taagan kala aragti duwanaan salka ku haysa arrinta heshiiski nukleerkka ee Iran iyo Mareykanka iyo mowqifka Mareykanka ee isbedelka cimilada.
Shirka G7, oo ay isugu imaanayaan dalalka Canada, Mareykanka, UK, Faransiiska, Talyaaniga, Japan iyo Jarmalka ayaa maanta oo Jimcaha ah ka bilaabanaya magaalada La Malbaie ee Quebec.
Hogaamiyeyaasha dalalkaasi oo shirka ku matalaya in ka badan boqolkiiba 60 shabakadaha gancsuga ee caalamka ayaa sanad walba kulma.
Arrinta dhaqaalaha ayaa ah ajendaha ugu weyn shirka, inkasta oo shirka looga hadlayo arrimaha ugu waaweyn ee xasaasiga ah ee caalamka.
Maxaa la isku dhaafsaday shirka bilowgiisa?
Shirka ayaa waxa uu u dhaxeeya Faransiiska iyo Canada oo dhinac ah iyo Mareykanka oo kaligiis dhinac ah.
Inkasta oo wax badan ay is dhaafsadeen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron, balse ugu dambeyntii waxba kama soo bixin wadahadalda.
Hadal uu soo dhigay bartiisa twitterka, ayaa Madaxweynaha Faransiiska Macron waxa uu ku sheegay haddi madaxweyne Trump uu doonayo in la faquuqo, ay lixda waddan ee kale ee shirka ka qeybgaleysa ay saxiixi doonaan heshiis iyaga u gaar ah haddii loo baahdo.
" Sababtoo ah lixdan waddan waxa ay matalaaan qiyam, waxa ay matalaaan suuq ganacsi kaasi oo leh taariikh facweyn taasi oo haatan noqotay quwad caalami ah oo jirto". Ayuu Yiri Mr Macron
Hoggaamiyaha martigalinaya shirka G7 Justin Trudeau ayaa sidoo kale la dheelay siyaasad dahsoon Mr Trump balse waxa uu u muuqday mid muran badan dhawaanahan, gaar ahaan wadahadalada dhanka heshiiska ganacsiga xorta ee waqooyiga Mareykanka ee loo yaqaano (Nafta).
Waxa uu ku tilmaamay hadalkii Trump uu ku sheegay in uu canshuuraha naxaasta iyo birta uu ku difaacayo amniga qaran inay tahay "wax lagu qoslo".
Mr Trump ayaa bartiisa twiterka soo dhigay hadalo uu ku eedeynayo ra'iisal wasaaraha Canada Mr Trudeau iyo in dalalka Midowga Yurub ee uu kala dhaxeeyay ganacsiga.
"Hoos u dhig canshuurahaada iyo caqabadaha ganacsi ee MAreykanka ka Dhaknka ah ama waxaad la kulmeysa wax u dhigma," ayuu madaxweyne Trump soo qoray
Ra'iisal wasaaraha UK Theresa May ayaa u muuqatay mid dajineyso xaalda shirka, iyada oo sheegtay inay dooneyso in Midowga Yurub ay si wanaagsan u dhaqmaan dulqaadna muujiyaan marka ay ka aargoosanayaan canshuuraha uu kusoo rogay Mareykanka.
Waxa ay u badan tahay in ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub, gaar ahaan heshiisyada ganacsiga ee ka dhexeeyay Yurub iyo Britain ay sidoo kale kusoo dari doonto May qodobada shirka.
Si ka duwan hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Canada, ayaa Ms May aysan la qaadan doonin kulamo madaxweyne Trumpo .
Maxaa kale oo laga filanayaa kulanka Quebec?

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa aha qofka keliya ee dhinac ka noqday ajendahi ku saabsanaa isbedelka cimilada ee shirka G7 ee sanadkii lasoo dhaafay, kaddibna waxa uu shaaciyay Trump rabitaankiisa uu ku doonayo inuu uga baxo heshiiski taariikhiga ee ahaa ee Paris kaaasi oo ku saabsanaa isbedelka cimilada.
Canshuurta iyo dareenka ka dhashay
Madaxweyne Trump ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal uu canshuur uu uga soo rogayo birta Aluminium-ka iyo naxaaska loo doofiyo dalka Mareykanka.
Wuxuuna ku andacoonayana canshuuraha uu kusoo rogay naxaaska lasoo gelinaya Mareykanka ay dan u tahay dadka Mareykanka ee ka shaqaysta biraha iyo inay muhiim tahay ganacsiga dalkaasi.

Dalalka Midowga Yurub,Canada iyo Mexico ayaa qorshaynaya inay ku dhaqaaqaan tallaabo ay uga argoosanayaan go'aanka Madaxweyne Donald Trump uu caanshuuraha ugu soo rogay macdanta naxaaska iyo birta loo dhoofiyo Mareykanka.
Canada ayaa qorshaynaysa in bisha July ay kusoo rogto 25%, 13 bilyan oo doolar oo ah qiimaha alaabaha ay dhofiyaan Mareykanka, Badeecadaha ay saamayn doonto canshuurahaasina waxaa kamid ah birta Naxaaska ah, caanaha iyo Kafeega Mareykanka.










