Maxaa ka soo baxay kullankii madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta?

Qoraalka Codka, Maxaa ka soo baxay kullankii madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta?

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wali ku sugan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu kullan la qaatay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana mas'uuliyiinta labada dal ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan.

Haddaba waxyaabihii ka soo baxay kullanka labada madaxweyne ayaa Weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato waxaa uu wax ka weydiiyay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daaud.