Waraysi: Nin konton sanadood maraakiibta ku soo hagayey dekedda Berbera

Qoraalka Codka, Ma rumaysan kartaa inuu jiro bayloot Maraakiibta hagaa?!

Kabtan Yusuf Aar Ducaale oo loo yaqaanno SHAYSA waxaa uu yahay pilot-ka soo xidha maraakiibta waaweyn markay ku soo xidhanayaan dekedda Berbera, waxaanu shaqadaa hayay muddo konton sano ah.

Shaysa wuxuu u soo joogay dekedda Berbera xilligii todobaatanaadkii uu saldhiga weyn ee milleteri Ruushu ku lahaa iyo xilligii sideetamaadkii ee ay Berberi fadhiisinka milatari u noqotay Mareykanka. Wuxu sheegay inuu isagu ku soo xidhi jiray dekedda Berbera xataa maraakiibta waaweyn ee dagaalka ee hubka khatarta ah xambaarsan. Waayahaas ayuu hadaba Kabtan Shaysa u soo joogay iyo siduu u arko saldhigga milatari ee Imaaraatka ee haatan dhismihiisu ka socdo Berbera ayuu uga waramay weriyaha BBC-da Axmed Siciid Cige.